5112 Views

Waxqabadka Dawladda ee isbuucii la soo dhaafay

____________________________________________________________________________

astaanta-qaranka-Soomaaliya11-426x264

Muqdisho, 05 September 2015 – Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa ka warbixiyey horumarka Dowladda ee usbuucii la soo dhaafay.

Wasiirka ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin; Baarlamaanka oo ansixiyey sharciga shaqaalaha ajnabiga, Shaqo abuuris loo sameynayo dhalinyarada, Ciidanka XDS oo Galgaduuud howlgal ka sameeyey, Tababar loo soo xiray ciidamo XDS, Todobaadka Dhaqanka oo lagu qabtay Muqdisho, Baarlamaanka GalMudug oo ansixiyey xubnaha Golaha Wasiirada, Dowladda Federaalka iyo Jubbaland oo heshiis kala saxiixday, Xafiisyo cusub ee Puntland oo Gaalkacyo la dhagax dhigay, Liiska Ardeyda ku guuleysatay Deeq Waxbarasho oo la shaaciyey, Wadatashi bulshada rayidka ee dib u eegista dastuurka oo Muqdisho lagu qabtay iyo Guddiga Difaaca Baarlamaanka oo booqday Marka.

Baarlamaanka oo ansixiyey sharciga shaqaalaha ajnabiga

Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ayaa 31kii August 2015 ansixiyay sharciga shaqaalaha ajnabiga ah kaasoo maalihii la soo dhaafay ay mudanayaashu ka doodayeen. Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamanka Mahad Cabdalla Cawad ayaa sheegay in mudanayaasha baarlamanku ay cod aqlabiyad leh ku ansixiyeen sharciga shaqaalaha ajaanibta ah. Xildhibaan Cawad ayaa intaasi ku daray in sharcigan uu wax weyn ka tarayo la socodka shaqaalaha ajaanibta ah ee soo gala dalkeenna. Wuxuu intaasi raaciyay in mudanayaasha baarlamanku ay si qota dheer uga doodeen sharcigan islamarkaana ay cod aqlabiyad leh ku ansixiyeen. Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee baarlamanka Xildhibaan Cawad ayaa hoosta ka xariiqay iney jiraan dad ajaanib ah oo soo gala dalkeena, kuwaasoo qabta shaqooyin an lagu ogeyn, isagoo tibaaxay in sharcigan uu sahlayo la socodka shaqooyinka ay dalka ka qabanayaan dadka ajaanibta ah.

Shaqo abuuris loo sameynayo dhalinyarada

Arday gaaraysa 65 ayaa 1dii September 2015 siminaar loogu soo gabo gabeeyay Muqdisho, kaasi oo lagu barayay xirfado ay ku shaqeystaan oo ay ku maareeyaan noloshooda, waxaana xiritaankii siminaarka ka qeyb galay Xildhibaanno, mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada, ururka haweenka Qaranka iyo marti sharaf kale. Guddoomiyaha Machadka Horseed International Collage Aadan Cabdi Cabdulle ayaa tilmaamay in siminaarkan uu ahmiyad gaar ah ugu fadhiyo ardayda ka qeyb gashay. Guddoomiyaha ururka Haweenka Qaranka Batuulo Sheekh Axmed Gabale iyo Agaasimaha Waaxda taba barada Ismaaciil Macalin Cabdullaahi ayaa sheegay in siminaarka la siiyay ardayda ay wax badan u tari doonto, isla markaana ay u noqon karto mid ay ku shaqeystaan, waxaana ay kula dar daarmeen in waxyaabaha ay ka faa’iideysteen ay ugu adeegaan bulshadooda. Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka hadlay xiritaanka siminaarka ayaa ardayda ku booriyay inay heystaan fursad wanaagsan oo ay u soo jeestaan horumarinta dalkooda.

Ciidanka XDS oo Galgaduuud howlgal ka sameeyey

3dii September 2015 ayaa Ciidamada XDS iyo kuwa AMISOM howlgallo ay ka sameeyeen deegaano ka tirsan gobolka Galgaduud ku soo qabtay maleeshiyaad ka tirsan Shabaab “UGUS”. Cutubyo ka tirsan ciidamada XDS gaar ahaan qeybta 21-aad ee ka howlgala gobollada dhexe ee dalka oo gacan ka helaya kuwa AMISOM ayaa howlgallo ay ka sameeyeen degeenka Ceel qooxle oo 25 Kiilo mitir dhanka waqooyi ka xiga degmada Ceelbuur waxa ay ku soo qabqabteen Sadex ka tirsanaa maleeshiyaadka UGUS ee dhibaatada ku haya bulshada ku dhaqan deegaankaasi. Sidoo kale ciidamada ayaa howlgalkaasi kula wareegay deegaanka Ceel qooxle iyo deegaanno kale, waxaana la sheegay in ciidamadu ay iminka ku sii raad joogaan firxadka maleeshiyaadka UGUS. Howlgalka ay ciidamadu ka sameeyeen deegaanka Ceel qooxle ayaa lagu soo waramayaa iney ku geeriyoodeen ku dhawaad Shan ka tirsanaa maleeshiyaadka nabad diidka ah ee UGUS. Ciidamada ayaa weli sii wada howlgallada ka dhanka ah haraadiga maleeshiyaadka Shabaab ee ku dhuumaaleysanaya deegaanno ka tirsan gobolka Galgaduud.

Tababar loo soo xiray ciidamo XDS

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Gen. C/qaadir Sheekh Cali Diini, ayaa 31 August 2015 xero ku taala deegaanka Jaziira taba-bar ugu soo xiray ciidamo ka tirsan Xoogga dalka Soomaaliyeed oo halkaas tababar ku qaadanayay muddo dhawr bilood ah. Ciidankaan ayaa isagu jira Booliska Dableeyda iyo Saraakiil cusub oo kamid noqonaya Xoogga dalka Soomaaliyeed, waxana sidoo kale munaasabadda xiritaanka tababarka ka qayb galay Taliyaha Ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliyeed S/G Daahir Aaden Cilmi, Saraakiil ka socotay Midowga Yurub iyo AMISOM oo tababarka qayb kamid ah bixinayay. Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya Gen. C/qaadir Sh. Cali Diini ayaa ku bogaadiyey saraakiisha tababarka dhameystay, wuxuuna tilmamay in saraakiishan saldhig u yihiin aas-aaska ciidan Qaran oo lagu soo xulay aqoon iyo kartidooda gaar ka ah. Wasiir Diini ayaa wuxuu saraakiisha ku boorriyay in laga doonayo in ay si wanaagsan u hoggaamiyaan qeybaha lagu qoray, isagoo xusay sidoo kale in looga baahan yahay inay u diyaar garoobaan ciribtirka kooxaha Nabad-diidka ah. Saraakiisha Tababarka dhamaystay ayaa lagu hor dhaariyey Wasiirka Gaashaandhigga, waxuuna isla goobta ugu xiray min labo xidiggood.

Todobaadka Dhaqanka oo lagu qabtay Muqdisho

Munaasabad lagu soo gabo gabeynayay todobaadka dhaqanka ee Jaamacadda SIU ayaa 31kii August 2015 lagu qabtay Muqdisho, oo ay ka qeyb galeen Maamulka sare ee Jaamacadda, Macalimiin, Abwaanno uu ka midyahay Abwaan Singub, arday iyo marti sharaf kale oo munaasabadda lagu casuumay. Todobaadka dhaqanka ee sanadkan ayaa waxaa ku tartamayay arday ka kala socotay saddex kuliyadood oo kala ah kuliyadda Cilmiga iyo bulshada, kuliyadda Caafimaadka iyo kuliyadda ganacsiga iyo dhaqaalaha, waxaana ay ardaydu goobta ku soo bandhigeen bandhig faneed ka turjumayay dhaqanka Soomaaliya, iyadoo ay guddiga garsoorka ay ahaayeen Abwaan Maxamuud Cabdullaahi Ciise Sangub, Cabdikariin Shire Xuseen Sandheere, Mahad Xasan Fareey iyo Cabdullaahi Sheekh Cabdi Aadan Abwaan Maxamuud Cabdullaahi Ciise Singub ayaa ku dhawaaqay natiijada sida ay u kala guuleysteen saddexda kuliyadood ee todobaadka dhaqanka soo bandhigay, isagoo amaan u jeediyay sida ay uga qeyb qaateen todobaadka dhaqanka ardaydii bandhig dhaqameedka soo gudbisay oo uu xusay in kaalinta koowaad ay galeen ardayda Kuliyadda caafimaadka, halka kuliyadaha cilmiga bulshada iyo dhaqaalaha ay kaalinta labaad wada galeen. Guddoomiye ku-xigeenka Jaamacadda SIU Maxamed Yuusuf Sheekh ayaa hoosta ka xariiqay in Jaamacadda SIU ay todobaadka dhaqanka qabaneyso sanadkii saddexaad, isla markaana u jeedka Jaamacaddu uu yahay in ardayda lagu baraarujiyo xoojinta dhaqankeena suuban, ayna ka qaataan door fir fircoon. Gabo gabadii munaasabadda waxaa shahaaddo sharaf la guddoonsiiyay Guddiga abwaanada ee munaasabadda goob jooga ka ahaa iyo qaar ka mid ah arday ka kala socotay saddexda kuliyadeed ee ka qeyb qaadatay todobaadka dhaqanka ee Jaamacadda SIU.

Baarlamaanka GalMudug oo ansixiyey xubnaha Golaha Wasiirada

Baarlamaanka Dowlad Goboleedka GalMudug ayaa 31kii August 2015 ansixiyey xubnaha Golaha Wasiirada GalMudug si ay u gutaan waajibaadka loo idmaday. Madaxweynaha Dowladda GalMudug ee Soomaaliya mudane Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa dhowaan soo magacaabay xubnaha Golaha Wasiirada isla markaasna u soo gudbiyey baarlamaanka si ay u ansixiyaan. Ka hor inta aan baarlamaanka ansixinin ayaa Wasiirka Madaxtooyada uu baarlamaanka hortiisa ka hor aqriyey qorshaha xukuumadda ay ku howlgeli doonto marka la ansixiyo. Fadhiga baarlamaanka Galmudug oo ahaa 69 mudane ayaa haa Xukuumadda ugu Codeeyay 66 Xildhibaan halka sadex kale oo kala ahaa guddoomiyaha Baarlamaanka Dowlad gobolleedka galmudug iyo labadiisa kuxigeenna ay san codkooda dhiiban. Madaxweynaha Dowlad Gobolleedka Galmudug Mudane Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa aad ugu mahad Celiyay Xildhibaannada Baarlamaanka galmudug sida ay Howshooda u wataan isagoo ka codsaday Wasiirrada la Ansixiyayna in ay la yimaadan Shaqo la jeclaado.

Dowladda Federaalka iyo Jubbaland oo heshiis kala saxiixday

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Sharmarke iyo wafdi uu hogaaminayay ayna ka ka mid ahaayeen xubno ka tirsan golaha Wasiirada iyo xildhibaano ayaa 30kii August 2015 gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland, waxaana ujeedada safarkani uu ahaa sidii loo tixgelin lahaa cabashada ka dhalatay dhismaha Baarlamaanka Jubbaland iyo habka awood qeybsiga ee beelaha degaanadaasi. Wadahadalo dheer ka dib Dowladda Federaalka iyo Jubbaland ayaa waxey ku heshiiyeen in dib u eegis lagu sameeyo habka dhismaha baarlamaanka Jubbaland, laguna kordhiyo inta loo arko inay ka maqantahay. Qodobka labaad ee lagu heshiiyey ayaa ahaa in guddigii Dowladda Federaalka ay Kismaayo yimaadaan, dib u eegisna ku sameeyaan, lana fariistaan dhinacyada arrintu khuseyso. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Mudane Cumar Cabdirashiid Sharmarke ayaa soo dhoweeyey qodobada is afgaradkaan, wuxuuna ku tilmaamay bog cusub oo u furmay beelaha ku dhaqan goboladan, maadaama ay hogaanka maamulka Jubbaland tanaasul muujiyeen ayna ogolaadeen in ay xaliyaan cabashada shacabka, isaga oo xusay in arrinkani uu horseedi doono qancinta iyo soo xero-gelinta dhinacyada diidan habkii loo maray dhismaha maamulka Jubbaland. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale xusay in Xukuumada Federaalka ay taageero dhankastaba leh ka geysaneyso dhaqangelinta is afgaradkan, iyo meel marintiisaba, si loo helo maamulo sal adag oo ka tarjumaya rabitaanka shacabka, ugu dambeyntiina loogu gogol xaaro taabagelinta geeddi socodka 2016.

Xafiisyo cusub ee Puntland oo Gaalkacyo la dhagax dhigay

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa 30kii August 2015 magaalada Gaalkacyo ka dhagax dhigay ilaa iyo shan xarumood oo kala ah xarunta Madaxtooyada Puntland, Wasaaradda Ganacsiga, Wasaaradda Howlaha guud iyo gaadiidka, Wasaaradda Beeraha, Banki dhexe iyo taliskii hore ee booliska oo dib u habeyn lagu sameynayo. Dhagax dhiga xarumahaasi waxaa sidookale goob joog ka ahaa Wasiiro, Xildhibaanno, Maamulka degmada Gaalkacyo, maamulka Gobalka Mudug, xubno ka tirsan golaha deegaanka, waxgarad iyo masuuliyiin kale. Dr Cabdiweli Gaas ayaa dhagax dhigay xarunta Madaxtooyada Puntland ee Gaalkacyo oo la dhisayo, maadama dhawaan xaruntaasi iyo xarumo kale oo laga saaray dadweynihii deganaa, isagoo sidoo kale dhagax dhigay xarumo kale. Dr Gaas ayaa si gaar ah ugu mahadceliyey shacabkii sida wanaagsan u wareejiyey guryihii Dawladda ee ay kujireen, waxaana uu sheegay dhammaan xarumahaasi la baneeyey in loogu adeegayo shacabka deegaannada Puntland ku nool.

Liiska Ardeyda ku guuleysatay Deeq Waxbarasho oo la shaaciyey

Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya ayaa 30kii August 2015 soo bandhigtay liiska ardayda Soomaaliyeed oo ku guuleystay deeqo waxbarasho oo heer Jaamacadeed ah, kuwaasi oo isugu jirta kuwa gudaha ah iyo dalka dibadiisa. Hadaba liiska ardayda iyo sida ay ugu kala guuleysteen ayaa la shaaciyey oo waalidiinta, ardeyda iyo shacabkaba ay ka daawan karaan. Tanoo tuseysa sida Dowladda Federaalka ay oga go’antahay in deeqaha waxbarasho la wada gaarsiiyo dhammaan deegaanada dalka, isla markaasna shacabka kalsooni la geliyo oo si furfuran oo cadcad loo wada shaaciyey.

Wadatashi bulshada rayidka ee dib u eegista dastuurka oo Muqdisho lagu qabtay

Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukumadda Soomaaliya ayaa soo qabanqaabisay kulan wadatashi labo cisho ah oo looga hadlayey doorka ururadda bulshadda Soomaaliyeed ay ka qaadan karaan geedi socodka dib-u-eegista Dastuurka KMG ah, waxaana loo qabtay qaar ka mid ah ururadda bulshada rayidka, kuwaa oo ka kala yimid maamul goboleedyada dalka sida Puntland, Jubbaland, Koonfur Galbeed, Galmudug iyo gobollada Banaadir iyo Shabeelaha Dhexe. Shirka wadatashiga ah ayaa waxaa furitaankiisa ka qayb galay ku-simaha Madaxweynaha dalka ahna Guddoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, xubno ka tirsan labada gole ee dowladda Soomaaliya, iyo Guddiga madaxa-banaan ee dib u eegista dastuurka dalka. Wasiirka Dastuurka Mudane Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen ayaa sheegay in ujeedada ay tahay in dastuurka uu noqdo mid ay Soomaali leedahay, oo rayiga dadweyaha ku dhisan, Xukumadda Soomaaliya waxaa ka go’an in qofkasta oo Soomaaliyeed la dhageysto fikirkiisa meelkasta oo uu joogo. Guddoomiyaha Barlamaanka ahna kusimaha Madaxweynaha Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo furay shirka ayaa tilmaamay in ay muhiim tahay in kaalin ku yeeshan ururadda bulshadda rayidka hanaanka loomarayo dib u eegista Dastuurka. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashid Sharmarke ayaa 31kii August 2015 soo xiray kulanka wadatashiga dib u eegista dastuurka. Gabagabadii kulanka ayaa laga soo saaray 14 qodob, oo ay bulshada rayidku u aragtay inay ku haboontahay in lagu kordhiyo Dastuurka dalka, maadaama uu yahay Qabyo, loona baahan yahay in ka hor 2016-ka Qabyo-tir lagu sameeyo, waxayna ballan qaadeen inay qeyb libaax ka qaadan doonaan sidii bulshada Soomaaliyeed gudaha iyo dibedda loo fahamsiin lahaa Dasatuurka, looguna wacyigelin lahaa dhowristiisa. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Mudane Cumar Cabdirashiid Sharmarke oo hadal ka jeediyay goobta ayaa xusay muhiimada wadatashiga uu u leeyahay dhameystirka Dastuurka, wuxuuna carabka ku adkeeyey in bulshada rayidku ay laf dhabar u yihiin Qabyo-tirka Dastuurka, maadaama ay yihiin dad dhex dhexaad u ah bulshada, una adeega.

Guddiga Difaaca Baarlamaanka oo booqday Marka

Guddoomiyaha Guddiga Difaaca Baarlamaanka Soomaaliya Xildhibaan Xuseen Carab Ciise iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa 29kii August 2015 gaaray magaalada Marka ee xarunta Gobolka Shabeelaha Hoose, halkaasi oo ay kula kulmi doonaan maamulka iyo qeybaha bulshada ee Marka ku nool. Xildhibaan Xuseen Carab Ciise ayaa sheegay in u jeedada socdaalkooda la xiriirto sidii ay ugu kuurgali lahayeen dhacdo dhawaan halkaasi ka dhacday oo ahayd fal dil ah oo lagu soo eedeeyay cidamada Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM, kaasi oo ahaa inay dileen dad xaflad aroos ah ku sugnaa. Xildhibaanka ayaa sheegay in inta ay socdaalka ku gudajireen ay kulamo gaar gaar ah la qaateen qeybaha bulshada.

DHAMAAD

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment