4002 Views

Madaxweynaha oo 300 askari u furay Tababar

____________________________________________________________________________

Moqdisho,6 September 2015: Madaxweynaha DF, Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta tababar u furay 300 oo dhalinyaro ah, kuwaas oo lagu biiray ciidanka Booliska. Tabarkaa ayaa laga furay Dugsiga Jenerale Kaahiye oo booliska leeyahay.

Xafladaan ayaa waxa ka soo qayb galay Wasiirka Amniga Gudaha, CabdirizaqCumar, Wasiiru-dowlaha Amniga Gudaha Dau’d Cabdikariin Shekh Cumar, sarakiil ka tirsan Ciidan Booliska iyo dad badan oo marti sharaf ah.

Taliyaha Ciidanka Booliska Sareeye Gaas Maxamed Shekh Xasan oo munaasabad ka hadlay ayaa sheegay qimaha ay wadanka u leeyihii dhalin-yarada maanta halkaan tababarka looga furay, lagana doonayo in waajibkooda gutaan oo ay ilaaliyaa dalka iyo daka labadaba.

“Waxaa hoolkan maanta ku kulansan dhibow muddo afar bil ah ku soo jiray tababar, waxaana maanta loo furayaa tababarkooda rasmiga ah oo socon doono muddo sagaal bil, waxaa kaloo halkan ku sugan arday ka soo baxday dugsiyada sare oo aan u qaaday in aan barno qibradaha taraafikada, ilaalinta canshuuraha iyo baarista dambiyada, waxaa kaloo halkan ku sugan labo leyli sargaal oo la diyaarinayo, anagoo la kaashan doono wadamada gacan ka geysan kara, maadaama dugsigan uusan gaarsiisneyn heerka leyli sargaal”ayuu yiri general Maxamed Shekh

Madaxweynaha ayaa asaga ku dhiri-geliyay in dhalin-yaradu ka fa’idaysato tababarkaan oo ay noqdaan kuwa u adeega dadkooda ilaaliyaana shacabka nooc kasta uu yahay.

“Dhalinyarada tababarkan u soconayo waa inay ogaadaan fahamka saxda ah ee booliska, kan hurda ee jiifa iyo kan iskuulka u dheel manaya iyo kan kale ee soo jeedaya, intabada adiga dartaada ayay ku joogaan, oo ay ku hurdayaan howsha aad bulshada u haysaan” ayuu yiri Madaxweynaha.

“Booliska waxaa laga rabaa inay ku adkeystaan oo aysan ka baqin qofka qawaaniinta jabiya, ha ahaado sargaal dowladeed, Xildhibaan ha ahaado, xafiiska Prime minester-ka haka tirsanado ama Madaxweynaha, inta aad aaminsantahay in qofkan uu u gefay qaanuunka lala tiigsado sharciga, adiga oo aan ku xadgudbeyn hay’adaha kale ee dalka”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Shekh

Madaxweynaha ayaa kula dardaarmay in sharciga dhowraan oo ay gutaan waajibka ka saaran wadanka nabad gelyadiisa.

IMG_0633

 

IMG_0671

 

IMG_06091

 

IMG_0668

 

IMG_0666

 

IMG_0650

 

IMG_0604

 

IMG_0595

 

 

IMG_0566

__________________

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment