5124 Views

Madaxweynaha oo ka soo laabtey socdaalkii uu ku tagey Talyaaniga

____________________________________________________________________________

M.weyne-Xasan-500x264

Muqdisho, 6 September 2015: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtey kadib markii uu soo dhameystey booqasho uu ku tagey dalka Talyaaniga.

Madaxweynaha oo wafdigiisa ay ku wehliyeen xubno ka tirsan labada gole (Golaha Wasiirrada iyo Baarlamanka Federaalka), iyo mas’uuliyiin kale ayaa intii uu joogay Talyaaniga waxaa uu wadahadalo la yeeshay Madaxweynaha Talyaaniga, Sergio Mattarella, Wasiirka Gaashaandhigga Roberta Pinotti, qaar ka mid ah madaxda shirkadaha ganacsiga Talyaaniga iyo mas’uuliyiin kale.

Waxaa kale oo Madaxweynaha intii uu joogay Talyaaniga uu magaalada Milano kaga qeybgaley Carwada Caalamiga ee Milano 2015, halkaas oo khudbad uu ka jeediyey uu ka caddeeyay in Soomaaliya ay diyaar u tahay ganacsi iyo maalgashi ay caalamka la yeelato.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale waxaa uu la kulmey qaar ka mid ah Soomaalida ku dhaqan dalka Talyaaniga.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment