4668 Views

Aqoonyahanno Soomaaliyeed oo dibadda ka wada wacyigilin lagu xoojinaya dowladnimada7

Aqoonyahanno Soomaaliyeed oo dibadda ka wada wacyigilin lagu xoojinaya dowladnimada7
____________________________________________________________________________

Moqdisho | 7 September 2015 – Aqoonyahanno Soomaaliyeed oo iskood isku xilqaamay ayaa shacabka Soomaaliyeed ee dalka Maraykanka xiliyadii u dambeeyay ku wacyi galinayay in ay ku baraarugaan sidii loo samatabixin lahaa ummadda  Soomaaliyeed islamarkaana loo xoojin lahaa Nidaamka dhisan iyadoo qaladaadka la saxayo.

Waxa ay aqoonyahanadani oo ku Midaysan ururka Gurmad mar ay maanta la hadlayeen Soomaalida Ohio kulankoodu waxa uu u dhacay sida tan.

“Dadka Soomaaliyeed waa dad leh Haybad iyo sharaf soo jiren ah waana dad ka tilmaaman caalamka hanka iyo qabka ay leeyihiin waxa ay tusaale u ahayeen geeska Africa waxaana walaalaha Gurmad ay u istaageen in ay soo celiyaan sharaftii Soomaaliyeed iyaga oo kaashanaya shacabka, iyo dowladooda, ma’ahan urur siyaasadeed oo madaxnimo doon ah. Ayay tiri Khadro Maxamed oo ka mid ah jaaliyada Soomaaliyeed ee Ohio.

Garyaqaan C/waaxid Qalinle ayaa yiri ” Hadafkeena iyo taladeenu waa in 2016-ka isbadalka Soomaaliya ay galayso uu ahaadaa mid Soomaalida loo daayo oo ay dadka Soomaaliyeed iyagu waxooda qabsadaan,waxaan kaloo qabnaa in Nidaamkii jiray aan la duminin oo aan la bur burinin ee halkii la soo gaarsiyay laga sii wado wixii qaldana la saxo.

Prof; Jibriil Mohamed ayaa yiri “Naga mid ma’ahan qof hada u ordaya xil iyo jago qorashaha nooguma jirto waxaan u taaganahay in la helo Soomaaliya oo si saxa u shaqeynaysa inaga oo qofna taageerayn qofna mucaaradayn isla markaana u taagan in aan caawino Hay’adii Dowladeed ee shacabka u adeegaysa.”

__________________

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment