3996 Views

Dowlada Uganda ayaa 15 taliyaasha ciidankooda ka mid ah ka joojisay shaqada

Dowlada Uganda ayaa 15 taliyaasha ciidankooda ka mid ah ka joojisay shaqada
____________________________________________________________________________

Moqdisho,7 September 2015- Dowlada Uganda ayaa shaqada ka joojisay 15 sarkaal oo ciidankeeda ka mid ah. Sarakiishaan ayaa qaar ka mid ahayeen kuwa ugu sarreeyna ciidanka nabad ilaalinta ee AMISOM ee ku sugan Soomaaliya.

Sarakiishaan ayaa lagu eedeeyay in ay faraxumeeyeen dumar Soomaaliyeed. Korneel Paddy Akunda oo ah afhayeenka ciidamada Uganda, ayaa u sheegay Wakaalada Wararka ee AFP in ay ku tala jiraan in ay dib u qiimeeyaan ciidamdooda ka dib marki la ogaaday fadeexado iyo edeeymo ka dhan ah, in ay ka geeysteen Soomaaliya gudaheeda.

“Ma aha oo kaliya faro xumen lagula kacay haweenka kuwaan raadinayno balse arrimo badan ayaan baaritaan ku sameyneynaa,”ayuu sii raaciyay hadalkiisa Paddy Ankunda. “Balse faraxumeynta lagula kacay haweenka ayaan xooga saari doonaa balse inta ay baaritaanada ka soo dhamaanayaan saraakiisha shaqadii ayaa laga joojiyay,”. Kornelka ayaa sheegay in 15ka sarkaal ee shaqada laga joojiyay ay ku jiraan labo Jeneral.

Falka ay ku dhaqaaqday xukuumada Uganda ayaa yimid kadib markii ay soo saartay Hy’ada Xuququl-Insaanka ee Human Rights Watch warbixin lagu eedeynayo ciidamada nabad ilaalinta AMISOM inay faraxumeyn kula kaceen  gabdho Soomaaliyeed.

Ciidamo ka kooban 22,000 oo askari oo ka kala yimid lix dal ayaa ka dhinac dagaalamaya ciidamada Soomaaliya tan iyo sanadkii 2007dii xilligaas oo ururka Alshabaab ay deegaano badan ka talinayeen.Deeq bixiyaasha dhinaca dhaqaalaha ka taageera ciidamada AMISOM ayaa waxaa ugu waaweyne Qaramada Midoobay, Midowga Yurub iyo Maraykanka

Hay’ada xuquuqul insaanka ee Human Rights Watch ayaa warbixin ay soo saareen waxa ay ka soo xigteen gabdho Soomaali ah in xeryaha AMISOM oo ay dawooyinka u raadsadaan ay ciidamada kula kacaan falal faraxumeeyn iyo kufsi ah

Madaxa AU Nkosazana Dlamini-Zuma ayaa amar ku bixiyay in arimahaan la baro, wixi ka soo baxana la soo bandhigo bisha November dhamaadkeeda.

__________________

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment