5268 Views

Maxaa kala socotaa 10-ka xirfadood ee hab dhaqan jileedka ku soo badatay Mogadishu.

Maxaa kala socotaa 10-ka xirfadood ee hab dhaqan jileedka ku soo badatay Mogadishu.
____________________________________________________________________________

Moqdisho,8 September 2015

Qore: Prof. Yaxye Caamir

1-Si aad madax ugu muuqato waa in waddada gurigaaga tagto lagu xiro dhagxaan waaweeyn, dhalin yaro aad qaraaba tihiin oo dares ciidan wato waa in ay baabuurka kuu saran yihin.waxaad tahay siyaasi.

2- Si aad Diaspora ugu muuqato waa in aad 6 saac qoraxda oo kulul aad jaako qaadato, madaxa xiirato, waa in aad garbka surato boorso u eg kuwa laabtoobka lagu qaato,af somaliga aad ku hadleeyso waa in aad jajabiso,dhowr xaraf oo English u egna aad ku darto,waxaa tahay diaspora.

3- Si aad nabdoon ugu ekaato,waa in aad qaadato nooca sharaxan ee cimaamadaha Boosaaso laga keeno,macawis iyo baakoor qaali ah, fadhi ku diriradana aad ka sheegto,war been ah oo aan dadku ogeeyn,iyo in arrin aanan lagaala tashan eeyna dalka ka soconeeyn.

4- Si aad wariye ugu ekaato waa in aad rekoor yar wadato, jeebkana dhow qalin aad ku wadato.

5- Si aad culumada cusub ugu ekaato waa in aad wadato surwaal gaaban,iyo qamiis sharaxan oo rekaame qoorta looga hardhay,tusbax gaaban,jeebka korana eey ka dhax muuqato lacag doolar ah oo aan lakala garan Karin in eey tahay 1$ iyo 100$. Barafuuna uu kaa soo carfaayo,xataa ha noqdo catarul mayt ( kan maydka lagu carfiyo) .waana in aad taqaan dhow xadiith oo aadan aqoon saxaabiga wariyay.

6- Si aad ugu ekaato parfasoor waa in aad wadato dhowr buug oo waaweeyn oo ay habooneed in aad guriga uga soo tagto, marka aad hoteelada timaad waa in daal badan kaa muuqdo dadkana aad ugu sheekeeyso in aad xalay oo dhan aad imtixaan saxeeysay, kadibna aad koffee dalbato.

7- Si aad ugu ekaato sakaal hore ee ciidan, waa in aad soo xirataa garaado dhowr bil ha hor laguu sheegay sida loo xirto, dadkana aad uga sgeekeeyso dishabillinka ciidamada, dagaalkii 77 wixii aad ka maqashay,iyo akadeemiya aadan magaceeda Karin.

8- Si aad ugu ekaato madaxda NGO, waa in aad wadato faylal fara badan,oo ay ku jiraan joornaala gaboobay, waa in aad dadka uga sheekeeysaa,UNDP,WFP,iyo wax qabadka looga baahan yahay,waa in aad u sheegtaa xuquuqul insaanka,waana in hadalkaaga ay ku jiraan dhow xaraf oo NGO yada lagu yaqaan,sida: transparent, Accountability, emergency Aid, humanitarian, nonprofit, displaced people, workshop, seminar, iwm.

9- Si aad la taliye sare ugu ekaato, waa in aad CV gaaga ka been sheegto, waa in aad soo jeediso talooyin aad maqashay in wadama kale ku horuu mareen laakin aan Somalia ka hirgali Karin,waa in aadan ka jawaabin su’aal ku saabsan sida waxa aad sheegeeyso u jiri karan.waa in aad ku calaacashaa hadii taladeeyda madaxdu iga qaadan laheed dalku beri hore ayuu houumari lahaa.

10- Si aad ganacsade ugu ekaato,waa in aad suubsato warqada dakada lagu galo,hadalkaagu waa in uu ubataa, Dubai iyo Kenya somalida joogto, ka sheekee in aad tahay ganacsade tolkiisu ka dambeeyaan hadeeyna qaaraan ka rabin . Haka jawaabin haddii lagu weeydiiyo LC, Import Export, iyo Bank account illeyn mataqaanide.

.

.

_____________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment