9618 Views

Saraakiil ka tirsan ciidanka Uganda oo xilkoodi ku waayay dagaalki Janaale

Saraakiil ka tirsan ciidanka Uganda oo xilkoodi ku waayay dagaalki Janaale
____________________________________________________________________________

Moqdisho,8 September 2015- Wasaarada Gaashandhiga Uganda ayaa shaqada ka joojisay sarakiil ciidankeeda ka tirsana, kuwaas oo lagu eedeeyay in dayaceen howshi loo xilsaaray dhinaca nabad ilaalinta.

Arintaan ayaa salka ku haysa dagaalki Janaale oo AMISOM lagaga saaray magaalada.

Saraakiisha laga eryay shaqada waxa ay kala yihiin: Korneel Bosco Mutabi taliya qaybta 16aad ee ciidanka Uganda, major Noel Mwesigye, taliyaha qaybta 13aad iyo captan Swaibu Yusf oo ahaa taliyihi Saldhiga janaale.

“Waa iska caadi in shaqada la joojiyo cid kasta oo ciidanka ka mid ah hadii lagu tuhmo in ay dambi galeen. Baritaan ayaa socda wixi run ahna wan ogaan-doona” ayuu yiri ku xigeenka afhayeenka AMISOM oo la hadlay warbaahinta.

Ma aha marki u horreysay ee sarakiil ka tirsanaa ciidanka Uganda laga joojiyo shaqada. Musuq-maasuq ayaa sarakiil badan xilkoodi ku waayay, marka ma ah ariin ku cusub ciidamada Uganda.

.

__________________

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment