6201 Views

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee Galmudug oo ka baxsatay dil

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee Galmudug oo ka baxsatay dil
____________________________________________________________________________

Moqdisho, 8 September 2015- Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee Galmudug C/ladhiif C/llahi Warsame”Gacameey”, aya la sheegayaa in maanta uu ka badbaaday isku day dil. Koox hubeysan ayaa aruurti hore ee saakay Wasiirka oo gurigiisa ku sugan weerar ku qaaday.

Waxaa la sheegayaa kooxdaan hubeysan in ay ka tirsanaayeen Ahlu-Sunna amarkana laga soo siiyay Dhuusamareeb. Dagaalkaan ayaa lagu dilay 2 ka tirsan ciidanka Ahlu-sunn halka 5 qofood oo isugu jira labada dhinacna ay ku dhaawacmeen.

Maamulka Galmudug ayaa qas ka tagnaay tan iyo maalinti la dhisay maamulka Gobolada Dhaxe. Ahlu-sunna oo qadacday ka qayb noqoshada maamula C/kariin Guleed, isla markaana ku dhawaaqday in maamul gaar ah ay dhisteen, caasimadana ay u tahay Dhuusamareeb.

__________________

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment