6363 Views

Dagaal ka socda Caabudwaaq

____________________________________________________________________________

Caabudwaaq-195x110

Moqdisho, 9 September 2015-Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee Galmudug, C/qaadir C/lahi Warsame, ayaa maalinti  labaad saaka gurigiisa lagu weeraray. Ciidamo ka tirsan Ahlu-sunna, ayaa shalay iyo maantaba dagaal ku haya Wasiirka.

Waxa la sheegayaa in ciidaman Ahlu-sunna ka socda ay saaka hareereyeen guriga wasiirka uu ka deganyahay Caabudwaaq, ayaga oo doonayaa in ay kala baxaan. Ciidamaa ilaalada ah ayaa iska difaacayaa, waxana  la sheegayaa in ila afar qofood ay ku dhaawacantahay iska hor imaadki saaka

Warka wuxuu intaa ku daray in labada dhinac ay sugayaan gurmad uga kala yimaada Cadaado iyo Dhuusamareeb.

Wixi war ah ee nagu soo kordha kala socda Qaranimo Online.

__________________

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment