3894 Views

Madaxda Qaranka oo soo dhaweysay go’aankii dowladda Mareykanka

____________________________________________________________________________

Somali-Logo-280x175

Moqdisho, 9 September 2015- Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa si wada jir ah u soo dhaweeyay go’aankii dowladda Mareykanka ay ku dhawaaqday ee ahaa in ay bilaabeyso howlihii diblomaasiyaddii ee Soomaaliya.

War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha ay soo dhaweynayaan hadalka ka soo yeeray dowladda Mareykankan, iyadoo tani ay ka dambeysay markii 5-tii May ee sanadkan uu booqasho rasmi ah Muqdisho ku yimid Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka John F. Kerry.

Madaxda Qaranka iyo shacabka waxa ay soo dhaweynayaan dadaalka dowladda Mareykanka ay ugu jirto inay soo celiso xiriirkii diblomaasiyadeed ee labada dal, iyadoo qorshaha Mareykanku uu yahay in safaaradooda ay dib uga furtaan gudaha caasimadda, si ay ugu adeegaan gudaha dalka.

“Waxaan soo dhaweyneynaa go’aanka ay qaadatay dowlada Mareykanka  ee ah in howlaha diblomaasiyadeed ay ka bilaabeyso caasimadda, taasi oo xoojin karta xiriirka labada dal, waxaan sidoo kale soo dhaweyneynaa qorshaha Madaxweyaha Mareykanka Barack Obama uu ku doonayo in safiir cusub uu u soo magacaabo Soomaaliya” ayaa lagu yiri War-saxaafadeedka.

Media and Communication Department
Office of the Prime Minister

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment