8592 Views

Dowladda Jabaan oo Booliska Soomaaliya ugu deeqday gaadiid kala duwan

Dowladda Jabaan oo Booliska Soomaaliya ugu deeqday gaadiid kala duwan
____________________________________________________________________________

Muqdisho | September 10, 2015 | Dowladda Jabaan ayaa deeg isugu jirtay gaadiid iyo qalaq ugu deegday Ciidamada Booliiska Soomaaliya, Gaadiidkaas oo dhamaa ilaa 56 gawaarida boliiska iyo kuwa xabsiyada  oo ay isticmaalidoonaan booliiska Soomaaliya.

Munaasabad kooban oo lagu qabtay xarunta Gaadiidka Booliiska ayaa Gaadiidka lagu wareejiyay, iyadoo munaasabadda ay ka qaybgaleen Wasiirka Amniga DF, Taliyaha Booliiska, Saraakiil ka tirsan Booliiska, kuwa AMISOM iyo Saraakiil ka Socotay Qaramada Midoobay. Taliyaha Booliiska Somalia, Jen. Maxamed Sheekh Xasan Xaamud oo ka hadlay Xafladda ayaa Dowladda Jabbaan uga Mahad-celiyay sida ay u garab taagan yihiin Ciidanka Booliiska Somalia.

“Waxaan Dowladda Jabbaan uga Mahad-celineyaa sida ay u caawiyaan ciidanka Booliiska, marar badan ayay ciidamada Booliiska Somalia ugu deeqeen Gaadiid, waxaana ka filaynaa in goor-dhaw ay nagu soo Wareejin doonaan Dhar Ciidan,” ayuu yiri Jen. Xaamud Sidoo kale, Tomohiro Tommatsu oo ah u Qaybsanaha dhanka Gaashaandhigga Safaaradda Jabbaan ee Somalia ayaa sheegay in Gaadiidkan ay ugu Talo-galeen inay ku Caawiyaan Booliiska Somalia.

“Gaadiidkan waa kuwo aan ku caawinayno Booliiska Soomaaliya si bulshada ugu adeegaan, aad ayaanan ugu faraxsanahay in maanta aan ciidanka ku wareejinno Gaadiid,” ayuu yiri Tommatsu. Dhanka kale, Wasiirka Amniga Gudaha Somalia, C/risaaq Cumar Maxamed oo ka hadlay munaasabadda ayaa isagana sheegay in gaadiidka lagu Wareejiyay Booliiska Somalia uu qayb ka qaadan karo howlaha lagu sugayo amniga ee ay u hayaan shacabka Soomaaliyeed.

“Xukuumadda Jabbaan waxay ka mid tahay dowladaha caawiya Somalia, Runtii aad baan u soo dhaweynaynaa sida ay u garab taagan yihiin Booliiska Somalia, Taliska ciidankana waxaan ku bogaadinayaa inay sii laba jibaaraan adeegyada ay bulshada u hayaan,” ayuu yiri Wasiirku hadalkiisa ku yiri.

Ugu dambeyn, Dowladda Jabbaan ayaa dhowr jeer oo hore waxay booliiska Somalia ku Wareejiyeen Gaadiid, kuwaasoo qayb weyn ka qaadanaya sidii loo adkeyn lahaa amniga guud ee dalka.

jabaan-gawaari-boliis-2 jabaan-gawaari-boliis-3 jabaan-gawaari-boliis-5 jabaan-gawaari-boliis-9 jabaan-gawaari-boliis-1 jabaan-gawaari-boliis-4 jabaan-gawaari-boliis-6 jabaan-gawaari-boliis-7 jabaan-gawaari-boliis-8

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment