7311 Views

Dr. Cali Cusmaan: Diiradda aanu saarno ciyaaraha fudud ee Soomaaliya.‏

Dr. Cali Cusmaan: Diiradda aanu saarno ciyaaraha fudud ee Soomaaliya.‏
____________________________________________________________________________
Atlanta, GA | QOL | Septermber 9, 2015 – Waxa dalka Mareykanka gaar ahaan Magaaladda Atlanta ee Gobolka Georgia lagu qabtaa sanad kastaba marka loo dabaaldegaayo Maalinta Shaqaalaha dalkaan ciyaaro kala duwan oo ay ka mid tahay tartamo Ciyaaraha Fudud ah oo lagu weynaenaayo Maalintaas iyada ah,waxaana ka soo qeyb kala Dhalinyaro kale duwan iyo Jaaliyadaha ku nool Magaaladda Atlanta kuwaa oo lagu bixiyo abaalmarino kaalimaha kala duwan oo ay ku guuleystaan kuwa tartamaayo.
.
Waxaana sanadkaan loo kala qaaday laba maalin oo kala aheyd maalintii Axadda oo ay Bisha aheyd Sebtember 8, 2015 oo lagu bixinayey taarikhda Ciyaaraha Fudud iyo taarikhda Olimpigadda oo uu soo jeedinaayey Khabiir u dhashay dalka NEW ZELAND oo hore ugu guuleystay 3 Biladood oo dahab ah tartamadii Olimpigadda ee kal hore la qabtay, waxaana Jaaliyadda Soomaaliyeed uga qeyb galay Gudoomiyaha Isboortiga ee Atlanta oo hore u soo noqday Xoghayaha GOS, iyadoo ay madashasi qaar ka tirsan ka soo qeyb galayaasha oo taarikh dheer ku lahaa dhadhaqaaqa Isboortiga ee dalalkooda ay ka soo jeediyeen heerka Isboortiga dalalkooda uu marayo iyo sida Isboortiga uu u saameeyey Jiilalka soo karaayo.
.
Iyagoo magacaabay qaar ka tirsan halyeeyadii soo maray Isboortigooda halkaa oo ay ku muteysteen in loo wada istaago isla markaana loo tumo sacab aan kala go’ laheyn,waxa halkaa khudbad taarikhi ah ka jeediyey Dr. Cali Cusmaan oo hogaaminaayey Wafdiga Soomaaliyeed isagoo marka hore u Mahadceliyey USATF oo ah ha’yda Gobolkaan u qaabilsan horumarinta Ciyaaraha Fudud, waxaana uu ka soo qeyb galayaasha xusuusiyey in ummadda Soomaaliyeed ay tahay kuwa mar kastaba safka hore kaga jiray Isboortiga qeybahiisa kala duwan,waxa uu halkaa ka sheegay in 1973 uu Marxuum Cabdulle Nuur Waasughe uu ku guuleystay Bilad Dahab ah ee Bootinta sare,waxa kaloo uu sheegay in 1987 uu Halyey Cabdi Bile uu isna ku guuleystay Biladda Dahabka ah ee orodka 1500mt,sidoo kale Cali Dhere iyo Marxuumad Fadumo Dheer ay ku Guuleysteen Bilado Dahab ah ee Bootinta sare,waxa kaloo uu halkaa ka sheegay in Ciyaaryahanadda kala ah Cali Bay, Jaamac Karaaciin, Cabdulqaadir Warabi, Cabdi Guuleed iyo kuwa kale in ay iyana ku guulesteen Bilado kala heer ah,waxa kaloo uu halkaa ka sheegay in waqtigaan aan idinla hadlaayo uu wafdi Soomaaliyeed oo ay Hogaamineyso Kusimaha Gudoomiyaha XSCF Marwo Khadiijo,oo ay ka mid yihiin Gudoomiye Kuxigeenka Inj. Cabdulqaadir caraale iyo Xoghayaha Xiriirka ay ka qeyb galayaan Tartanka Addunka ee Ciyaaraha Fudud halkaa oo ay kula kulmeen Madax kala duwan ee ka tirsan Xiriiradda Ciyaaraha Fudud iyo Madaxada ugu sareyso ee IAAF, iyagoo kala hadlay horumarinta Ciyaaraha Fudud, waxa kaloo iyana halkaa uu ka sheegay in Gudoomiye Kuxigeenka Xiriirka Kubadda Koleyga Soomaaliyeed Marwo Xaawo Taako ay dhawaan kula shirtay madaxda ugu sareyso Xiriirka Kubadda Koleyga ee addunka iyado hor dhigtay mashruuc waqti dhaw iyo mid fogba leh oo ku wajahan horumarinta Kubadda Koleyga Soomaaliyeed,sida kale Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta waxa uu ku xareeyey Magaaladda Adis Abeba Xulka Qaranka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta oo isu diyaarinaayo is reeb-reebka koobka Addunka,sida kale waxa dhawaan Magaaladda Muqdishu ka furmi doona Tartanka Kubadda Gacanta ee Gabdhaha Soomaaliyee,kuwaa waxay ka mid yihiin dadaaladda lagu jiro in mar kale Isboortigeynu cagahiisa ku istaago waxaana Dr. Cali Cusmaan ka muuqday shucuur Soomaalinimo oo ay ku dheehantahay Isboortino,waxaana uu halkaa lagu tumay sacab iyo sawaxan aad u sareeye iyadoo loo raaciyey hambalyo sida tafatiran uu u soo jeediyey warbixinta.
.
Maalintii xigtay oo ay taarikhdu aheyd September 9, 2015 waxa lagu ballansanaa qabashadda tartanka GEORGE ONE MILE,waxaana magaca ummadda Soomaaliyeed uga qeyb galaayey MUSE CABDULQAADIR oo ah Ciyaaryahan 17 sano jir una jajaban Ciyaaraha fudud,waxa wax lagu farxo aheyd in Mudane Cabdulqaadir Muse oo ah Aabaha dhalay Halyey Muse iyo Hooyo Madiina Xusen oo ah Hooyadda Ciyaaryahanka ay ahaayeen Taageerayaasha ugu weyn oo maalintaa ka soo qeyb tartankaasi, taa oo ay kuu cadeyneyso sida waalidiinta reer Atlanta ay ugu bisil yihiin ka qeyb galka noocyadda kala duwan ee Ciyaaraha,waxa kaloo ka mid ahaa Tageerayaasha Marwo Jamaad iyo labadeeda Wiil oo halkaa ka dhigay wacdaro aan la iloobi karin,markii uu tartankii bilawday ayaa qof kastaba uu soo bandhigay awoodiisii iyadoo Ciyaaryahankeenu oo ay aheyd markii ugu horeysay uu ka qeyb galo tartan noocaan ah ayaa halkaa waxa uu ka muujiyey awood iyo karti u saamixi doonta in mustaqbalka uu ka mid noqdo ciyaaryahanadda addunka kuwooda ugu awooda wanagsan Inshaallah.
.
Waxaana Xafladii iyo tartankiiba ay ku dhamaadeen guul iyo reyn reyn.
.
Atlanta-ciyaaraha-fudud-3 Atlanta-ciyaaraha-fudud-4 Atlanta-ciyaaraha-fudud-5 Atlanta-ciyaaraha-fudud-6 Atlanta-ciyaaraha-fudud-7 Atlanta-ciyaaraha-fudud-8 Atlanta-ciyaaraha-fudud-9 Atlanta-ciyaaraha-fudud-10 Atlanta-ciyaaraha-fudud-11 Atlanta-ciyaaraha-fudud Atlanta-ciyaaraha-fudud-1 Atlanta-ciyaaraha-fudud-2

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment