4545 Views

Golaha Wasiirada oo war ka soo saaray dagaalka Caabudwaaq iyo lacago been abuur ah

____________________________________________________________________________

golaha-wasiirada1-620x264

Muqdisho, September 10, 2015—-Golaha Wasiirad ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii joogtada ahaa, waxaana kulankan shir guddoominayay Wasiirka Cadaalada Mudane Cabdullaahi Axmad Jaamac Ilka-jiir, iyada oo looga hadlay qodobo ay ka mid yihiin dagaalkii ka dhacay degmada Caabud-waaq ee degaanada maamulka Galmudug iyo lacago been abuur ah oo dhowaan soo galay qeybo ka mid ah suuqyada dalka.
Golaha Wasiirada ayaa ugu horeyntii waxay ka hadleen dagaalkii ka dhacay degmada Caabudwaaq ee maamulka Galmudug, waxayna cambaareeyeen dagaalka, iyaga oo tacsi u diray ehelada dadkii ku geeriyooday dagaalkaasi, kuwa dhaawaca ahna u rajeeyey caafimaad qab deg deg ah.

Golaha ayaa sidoo kale, carabka ku adkeeyey inay garab taagan yihiin hogaanka maamulka Galmudug, ayna kala shaqeyn doonaan xasilinta degaanada. Waxayna sidoo kale xuseen in loo baan yahay in gacan nabadeed loo fidiyo kooxaha hubeysan ee diidan maamulka.

Dhanka kale, Golaha Wasiirada ayaa si qota dheer uga hadlay lacago been abuur ah oo dhowaantan soo galay suuqyada qaar ka mid ah degaano ka tirsan dalka, iyadoo Wasiirka Maaliyadda Mudane Maxamed Aadan Fargeeti uu golaha ka hor aqriyay warbixin Wasaaraddu ka soo diyaarisay xogta ay ka heyso lacagahan been abuurka ah.

Wasiirka Maaliyadda waxa uu sheegay in kadib burburkii dowladdii dhexe ay degaano ka tirsan dalka laga soo saaray lacago been abuur ah oo khal khal iyo dhaawac geliyay dhaqaalaha ascaarta iyo maciishadaha dadweynaha taasoo keentay deganaansho la’aan iyo xasilooni darro siyaasadeed, waxaana warbixinta wasiirka kadib golaha Wasiirada si wadajira ah u cambaareeyeen isku day kasta oo lagu doonayo in lacago been abuur ah lagu soo daabaco dalka gudihiisa iyo dibeddiisa.

Sidoo kale, goluhu waxa ay uga digeen cid kasta iyo maamul kasta oo ku lugyeesha lacagahaasi been abuurka ah, waxayna dhanka kale xuseen in Bankiga dhexe, Hanti dhowrka Qaranka, Wasaaradda Maaliyadda iyo hay’addaha caalamka ee ku shaqada leh Maaliyadda iyo lacagta inay dadaal ugu jiraan sidii shillin Soomaali cusub oo la aqoonsan yahay, waafaqsana shariga dalka la sameyn doono.

—Dhamaad—

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment