4389 Views

Madaxweyne Xasan oo booqday degmada Afgooye

Madaxweyne Xasan oo booqday degmada Afgooye
____________________________________________________________________________

Afgooye | September 10, 2015 – Madaxweynaha Somalia Xasan Shiikh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta booqasho gaaban ku tegay degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellada Hoose oo 30-km Muqdisho u jirtay.

Wafdi ka kooban labada gole ee Dowladda Soomaaliya iyo Saraakiil ciidan ayaa ku wehlinaya Madaxweyne Xasan socdaalka uu maanta ku tagay degmada Afgooye, halkaasoo la sheegay inay kula kulmi doonaan qaybaha bulshada iyo saraakiisha ciidamada eek u sugan degmadaas.

Sidoo kale, Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la socda Madaxweynaha Koonfur-galbeed ee Somalia, Shariif Xasan Sh. Aadan, safarkan lagu sheegay inuu salka ku hayo isbedellada ka socda Shabeellada Hoose, taas oo ay ka mid yihiin deegaanno ka tirsan Gobolkaas oo ay Toddobaadkan lagu jiro la Wareegtay Al-shabaab. Ammaanka Guud ee Degmada Afgooye iyo Waddooyinka soo gala ayaa si aad ah loo Adkeeyay, iyadoo Gaadiidka loo diidayo in ay galaan Degmada Afgooye ama ay ka baxaan.

Dhanka kale, Su’aasha la is-weydiinayo ayaa ah sababta keentay in Madaxweyne Xasan uu diyaarad kuwa Qummaatiga u kaca ah ku tago Afgooye oo 30-km u jira Muqdisho. Iyadoo Madaxweynayaashii ka horreeyay ay Afgooye u mari jireen dhulka.

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment