6210 Views

Maxkamada Gobolka Banadir oo maanta xariga laga jaray

____________________________________________________________________________

 

 

 

xarig-9

xarig-2

Muqdisho, 10 September 2015 – Maanta waxaa Muqdisho ka dhacay Munaasabad balaaran oo xariga looga jiray dhismaha cusub oo loo dhameeyay Xarunta Maxkamada Gobolka Banadir.

Munasabadaan, ayaa waxa ka soo qaybgalay dad kala duwan oo ay kamid yihiin wasiiro ka socda DF ah, Taliya Ciidanka, Gudoomiyaha Maxmada Sare, Wakiilo ka socda beesha Caalamka, Xeer Ilaaliya Qaranka, Ururada Bulshada iyo Garsoorayaal.

Dadki ka hadlay ayaa ugu horeeyay Gudoomiyaha Maxkamada Gobolka Banadir Xaashi Cilmi Nuur oo macneeyay jidka dheer ee loo soo maray in Maxkamada maanta xarig la jaro

Waxaa kale oo ka hadlay Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr. Axmad Cali Daahir oo ka dalbaday in deeq bixiyaasha ay muujiyaan dadaal dheeri ah oo lagu dhisaayo Maxkamada Wadanka.

Maxkamada Gobolka Banadir ayaa noqon-doonto meel gaar u ah Gobolka Banadir, halka marki hore maxkamada kale ay la wadaagi jireen.Wasiirka Amniga iyo Wasiirka Cadaalada ayaa u mahad naqay Midowga Yurub oo kaalin wax ool ah ka qaaday dhismaha Maxmadaan.

Wakiilada reer Yurub ayaa dhankooda balla qaaday in korhi doonaan dadaalka lagu dhisaayo Xaruumaha Maxkamadaha Qaranka oo dhan.

Ugu dambeeysti Gudoomiyaha Maxkamada Sare Ceydiid Cadillahi Ilka Xanaf ayaa shegay waqti xun lagu jiro dhanka dhaqaalaha iyo nabad gelyada, wuxuna shacbiga soomaaliyeed ka codsaday in ay ilaaliyaan ixtiraamka Garsoorka oo ay dhowraan.

xarig-1

 

xarig-3

xarig-5xarig-6

 

xarig-7

 

xarig-8

 

__________________

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment