5451 Views

Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka oo Gaalkacyo qado sharaf ugu sameeyey odayaasha dhaqanka qaarkood

Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka oo Gaalkacyo qado sharaf ugu sameeyey odayaasha dhaqanka qaarkood
____________________________________________________________________________

Gaalkacyo | QOL | September 2015 | Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Mahad Cabdalla Cawad oo booqasho ku jooga gobolka Mudug ayaa maanta magaalada Gaalkacyo kulan qado ah kula qaatay qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka gobolka.

Kulankan qado sharafta ah oo ka dhacay hotelka Sugulle ee magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa kasoo qeybgalay odayaasha dhaqanka gobolka qaarkood iyo xubno ka tirsan Puntland waxaana looga hadlay ballan
qaadyo uu horey ugu sameeyey Guddo miye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka iyo waxyaabaha ka hirgalay ballan qaadyadaasi.

Wasiirudowlaha caafimaadka Puntland Mudane C/laahi Jaamac Cali oo kulanka goobjoog ka ahaa ayaa khudbad kooban oo uu ka jeediyey ayaa waxa uu faah faahin ka siiyey Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka xaaladda deegaanno iyo degmooyin ka tirsan gobolka Mudug oo ay ka mid tahay degmada Toowfiiq oo horey uu booqasho ugu tagay iyo hormarrada ka jira.

Saciid Nuur Xirsi oo ka mid ah Odayaasha dhaqanka gobolka Mudug gaar ahaanna ku hadlayey magaca odayaasha degmada Towfiiq ayaa kusoo dhaweeyey Guddomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka magaalada Gaalkacyo iyo gobolka Mudug waxaana uu aad u ammaanay sida uu fursad ugu siiyey in mar walba bulshadiisa ka warqabo, dhageysto islamarkaana wax u qabanaya dadka uu metello.

Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Mahad Cabdalla Cawad oo khudbad ka jeediyey kulanka ayaa uga mahad celiyey Odayaasha dhaqanka sida ay u aqbaleen casuumaadiisa waxaana uu dhanka kale xusay in uu aad ugu faraxsan yahay islamarkaana uu ugu yimid bulshada uu metello iney weeydiiyeen waxyaabaha ka qabsoomay ballan qaadyadii horey loo sameeyey iyo waxyaabaha la doonayo in hada la qabto oo ay u baahan yihiin bulshada deegaan doorashooyinka uu metello.

Mudane Mahad Cabdalla Cawad Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa magaalada Gaalkacyo soo gaaray maalinnimadii arbacada ee aynu kasoo gudubnay halkaasi oo si diiran loogu soo dhaweeyey waxaana uu la kulmi doonaa inta uu joogo maamulka gobolka Mudug iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

gud-xig-bar-galkacyo-qado-3gud-xig-bar-galkacyo-qado-2 gud-xig-bar-galkacyo-qado-1 gud-xig-bar-galkacyo-qado-4gud-xig-bar-galkacyo-qado-11 gud-xig-bar-galkacyo-qado-12 gud-xig-bar-galkacyo-qado-9 gud-xig-bar-galkacyo-qado-8 gud-xig-bar-galkacyo-qado-7 gud-xig-bar-galkacyo-qado-6 gud-xig-bar-galkacyo-qado-5

.

.

_____________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment