4203 Views

SHARIIF XASAN: “Askari mushaar la’aan ah oo baahan qori-na loo dhiibay wax walba kafilo”

SHARIIF XASAN: “Askari mushaar la’aan ah oo baahan qori-na loo dhiibay wax walba kafilo”
____________________________________________________________________________

Baydhabo | September 11, 2015 | Madaxweynaha Koonfur-galbeed, Shariif Xasan Sh. Aadan ayaa sheegay inay jiraan Dhibaatooyin badan oo ay Qabaan ciidanka Xoogga dalka, gaar ahaan kuwa ku sugan Goballada Bay, Bakool iyo Shabeellada Hoose.

Shariif Xasan ayaa sheegay in  Ciidamada aysan Qaadan lacag mushaar ah, isla markaana ay u dheertahay in Reerkiisa uu baahi kaga soo tagay, taasi oo uu ku tilmaamay inaysan ahayn mid suuro-gal noqon karta.

Isgaoo sii hadlaya ayuu Shariif Xasan hadalkiisa ku daray in Askariga haddii loo dhiibo qori isagoo baahan, taasi waxay noqonaysaa inuu quudkiisa ku raadsado; isgaoo sheegay in shacabkuna ay dhibaatooyin kala kulmaan askarta.

“Askari baahan oo Qori loo dhiibay wuxuu sameynayo waa la garanayaa, waxaa laga filayaa in dhibaato uu geysto oo keliya. Meel dheer ha aadin aniga haddii aan sidaas ahaan lahaa khalad inaan galo baa dhici lahayd,” ayuu yiri Shariif Xasan Sh. Aadan.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Koonfur-galbeed ayaa ugu baaqay Dowladda iyo Odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed inay u istaagaan sidii ay Qarashaadka ciidanka u keeni lahaayeen, Dowladdana ay Ahmiyadda u siin lahayd ciidamada Amniga, Odayaashana ay kharash u soo ururiyaan ciidamada amniga sugaya.

 

 

.

.

_______________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment