7545 Views

Waddooyin loo bixiyay Magacyo ay ka mid yihiin Somali iyo Taleex

Waddooyin loo bixiyay Magacyo ay ka mid yihiin Somali iyo Taleex
____________________________________________________________________________

Minnesota | September 11, 2015 | Magaalada Minneapolis, gaar ahaan Xaafadaha ay Soomaalidu degen yihiin mid ka mid ah oo lagu Magacaagabo Cader Riverside ayaa shalay waxaa la badlay magacyo sadax waddo oo ku yaalla Xaafaddaa, iyadoo loo kala bixiyey magacyada; SOMALI STREET, OROMO STREET iyo TALEEX AVE.

Bedelidda Magacyada Waddooyinka ayaa Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Gobolka Minnesota ku nool ay aad u soo dhaweeyeen iyadoo xalay la arkayay dad badan u soo daawasho tagay goobta lagu dhajiyay tabeellayaasha ay ku qoran yihiin magacyada cusub ee waddooyinka.

Toddobaadkii hore ayuu Cabdi Warsame oo u Waramaayay Warbaahinta wuxuu sheegay in ummad walba meesha ay tagto ay Raad ku yeelato; Marka waxaan rabnaa buu yiri in ilmaheenna ku dhalanaya Mareykanka ay iska dhex arkaan raaadkooda; kasoo ah magaca na middeeya ee Soomaali.

Sababta ay Taleex u doorteenna ay tahay magaalo taarikhi ku ah marka Halganka Wadankeena laga hadlayo; isagoo magaca Oromana ku koobay waa Qowmiyad Walaalaheen ah.

Xaafadda ayaa waxaa ka muuqda dayactir aad u ballaaran xaga waddooyinka iyo goobaha Nasashada ee ku yaalla Xaafadda iyadoo aad Arkayso in lagu beeray dhir aad u badan.

Ugu dambeyn, Sabtida Berri ah ayaa loo qabanayaa waddooyinkan cusub xaflad lagu daah-furayo; taasoo loo xirayo Waddooyinka gala Xaafadda Tasoo ka dhaci doonta Waddada Cedar 6th Street illaa Riverside.

 

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment