6909 Views

Dadki Makkha ku dhintay oo tiradooda korortay.

Dadki Makkha ku dhintay oo tiradooda korortay.
____________________________________________________________________________

 

Muqdisho, 12 September 2015: Cadadka dadkii Muslimiinta ahaa eek u geeriyooday Wiishkii ku dhacay Masjidka Xaramka ee Makkah Al-Mukarammah, ayaa gaaraya qayasti ila 100-qof, iyadoo dhaawacana uu ku dhawyahay 2oo amba ka badan.  Wiishkan ayaa la sheegay in uu soo go’ay xilli ay dabeyl xoog leh ay socotay roobna uu da’yay,

Mudooyiki dambe ayaa Xaramka dhismo ka socotay si loo ballariyo, in kasto la haki-jiray waqtiga Xajka.

Dowladda Sacuudiga ayaa sheegtay in meydadka dadkii ku dhintay shilkaas la gelinayo meelaha meeydka lagu qaboojiyo, si ahalkooda ay u aqoonsadaan, inti dhimatay-na waxaa loo daad-gureeyay Isbitaalada Magaalada Makkah.

Waqtigaan oo kale sanadkiiba mar ayaa malaayiin xujaaj ah oo aduunka daafahiisa ka kala yimid ayaa isugu taga Magaalada Makkah si ay u gutaan Xajka.

__________________

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment