4170 Views

Waxqabadka Dawladda ee isbuucii la soo dhaafay

Waxqabadka Dawladda ee isbuucii la soo dhaafay
____________________________________________________________________________

Mogadishu, 12 September 2015 – Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa ka warbixiyey horumarka Dowladda ee usbuucii la soo dhaafay.

Wasiirka ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin; Afgooye oo lagu xaliyey khilaafaad beeleedyo, Maxkamada G/Banaadir oo dayactir weyn lagu sameeyey, Barnaamijka Dhaqanka oo Muqdisho lagu soo gabogabeeyey, Golaha Wasiirada oo ansixiyey Sharicga lagu joojinayo Gudniinka Fircooniga ah, Arday Soomaaliyeed oo Shiinaha u aadaya Waxbarasho, Booliiska oo tababar uga furmay Baydhabo, Japan oo booliska ku wareejisey 56 gaadiid, Baarlamaanka oo ansixiyey Miisaaniyadda 2015 iyo Golaha Wasiirada GalMudug oo diyaarinaya Qorshaha Istraatejiyada.

Afgooye oo lagu xaliyey khilaafaad beeleedyo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheikh Maxamuud ayaa socdaal ku tagey degmada Afgoye ee gobolka Sh/Hoose ee Koofur Galbeed Soomaaliya halkaas oo lagu qabtay xaflay beelo deegaanka lagu heshiisiinayey isla markaasna bulshada lagala tashanayey sida ugu haboon ee amniga loo sugi karo. Socdaalka Madaxeynaha ee 10kii September 2015 waxaa socdaalka ku wehliyey Madaxweynaha maamulka koonfur Galbeed iyo wakiilka midowga Afrika ee Soomaaliya Mohamed Sediku. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa kulamo la qaatay madax dhaqameedka deegaanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada isla markaasna socod ku soo maray qeybo ka mid ah degmeda Afgooye. Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Momaed Sediku ayaa hadal uu jeediyay waxa uu sheegay in AMISOM ay qaadayaan talaabo welba oo amniga hore u socodsiineysa Madaxweynaha Koonfur Galbeed ee Soomaaliya mudane Shariif Xasan Sheikh Aadan ayaa xusay in maamulkiisu wax weliba ka horumarin doono xuquuqda ciidamada amniga si meesha looga saaro cabashoyinka jira. Madaxweynaha jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Xasan Sheikh Maxamuud oo khudbad ka jeediyay kulankaasi ayaa sheegay in dowladu ku faraxsantahay sida loo soo afjaray dagaaladii ku saleysnaa dhanka qabaa’ilka isagoo ku booriyay in la dhameystiro.

Maxkamada G/Banaadir oo dayactir weyn lagu sameeyey

Guddoomiyaha Maxkamada Sare iyo Wasiirka Cadaaladda oo ay wahliyaan wasiiro ka tirsan xuukumada Soomaaliya ayaa 10kii September 2015 xariga ka jaray qeybo ka mid ah Xarunta Maxkamada gabolka Banaadir oo dib u dayactir lagu sameeyay. Dib u dayactirkani lagu sameeyay Xarunta Maxkamada ayaa waxaa si wada jir ah u fuliyay Hey’adda Q.M u Qaalbisan horumarinta Mashaariicda UNDP, iyadoo ay maalgelinta bixisey UK AID iyo Midowga Yurub. Xaflada furtiaanka ayaa waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiyaha Maxkamada Sare, xubna ka tirsan Golaha wasiirada, Safiirka Midowga Yurub, Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Taliyaha Ciidanka Asluubta, Guddoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka, Guddoomiyaha ururka Dhalinyarada iyo marti sharaf kale. Guddoomiyaha Maxakamada Gobolka Banaadir Xaashi Cilmi Nuur iyo Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr Axmed Cali Daahir ayaa faahfaahin ka bixiyay qeybaha Dayactirka lagu sameeyay iyagoo ugu mahadceliyay hey’adaha gacanta ka siisayay dib u dayactirka lagu Sameeyay. Wasiirka Amniga Gudaha Cabdirisaaq Cumar Maxamed iyo Wasiirka Cadaaladda Cabdulaahi Axmed jaamac Ilka Jiir ayaa bogaadiyay dib u dayactirkani lagu sameeyay xarunta Maxmkamada Gobolka. Guddoomiyaha Maxkamada Sare Dalka Caydiid Cabdulaahi Ilka Xanaf ayaa sheegay in dayactirka uu muhiim u yahay fulinta garsoorka. Dowladda Federaalka Somaaliya ayaa waday dadaalo dib u dayactir loogu sameynayo xaruumaha dowliga ah iydoo tani qeyb ka tahay dib u dayactirkeeda.

Barnaamijka Dhaqanka oo Muqdisho lagu soo gabogabeeyey

Barnaamijka soo nooleynta dhaqanka iyo hiddaha Soomaaliyeed oo in muddo ah ka socday magaalada Muqdisho islamarkaana ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska ayaa 7dii September 2015 lagu soo gebagebeeyay Muqdisho. Munaasabaddii lagu soo gebagebeeynayay barnaamijkan ayaa waxaa ka qeybgalay Wasiirka Warfaainta Dhaqanka iyo Dalxiiska mudane Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye”, ku xigeenkiisa C/laahi Colaad Rooble, Wasiirka Howlaha Guud, ku simaha duqa magaalada Muqdisho, mas’uuliyiin kale iyo dadweyne ka kala socday degmooyinka gobolka Banaadir. Wasiirka Warfaafinta ayaa xusay ahmiyadda uu leeyahay soo nooleeynta dhaqanka suuban ee Soomaaliyeed, isagoo ka dalbaday ummadda Soomaaliyeed iney ilaaliyeen dhaqankeena wanaagsan, wuxuuna dhanaca kale ku boorriyay dadka Soomaaliyeed ineey taageeraan dowladnimada si dalkeena uu ula mid noqdo wadamada kale ee caalamka. Mas’uuliyiintii ka hadashay halkaasi oo uu ka mid ahaa wasiirka howlaha guud ayaa wasaaradda warfaafinta ku amaanay dadaalka ay ku bixisay barnaamijkan la xiriira dib u soo nooleynta dhaqanka iyo hiddaha Soomaalida, iyagoo hoosta ka xariiqay qiimaha uu barnaamijkani u leeyahay ummaadda Soomaaliyeed iyo baahida loo qabo sii wadidda barnaamijyada noocan oo kale ah. Mudane C/llaahi Colaad Rooble wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska ayaa sheegay in barnaamijkani uu soo socday muddo Afar bilood ah, isagoo tilmaamay in lagu soo qabtay degmooyin kala duwan oo ka tirsan gobolka Banaadir islamarkaana lagu soo bandhigay heeso wadani ah, ciyaaraha dhaqanka suugaan iyo qeybta farshaxanka. Wasiirka ayaa hoosta ka xariiqay in ujeeddada barnaamijkan loo qabtay ay tahay sare u qaadidda dhaqanka iyo hiddaha Soomaalida, isdhexgalka bulshada iyo sidii loogu baraarujin lahaa bulshaweynta Soomaaliyeed ee ku dhaqan degmooyinka kala duwan ee gobolka Banaadir.

Golaha Wasiirada oo ansixiyey Sharicga lagu joojinayo Gudniinka Fircooniga ah

7dii September 2015 ayaa Muqdisho lagu qabtay shir labo cisho socday oo looga hadlayey Gudniinka fircooniga ah iyo waxa ay diintu ka qabto, bacdamaa Dowladda Federaalka ay wado wadatashiyo bacdamaa golaha wasiirada ay ansixiyeen sharicga sharicga lagu joojinayo Gduniinka Fricooninga ah oo baarlamaanka laga sugayo inuu ka doodo si uu u ansixiyo. Shirkan ayaa waxaa soo qaban qaabisay Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ayna ka qeybgaleen culumaa’udiin Soomaaliyeed. Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Sheekh Maxamed Qeyroow Aadan oo shirkaasi furay ayaa culumaa’uddiinka Soomaaliyeed kula dardaarmay iney soo bandhigaan waxa diinta Islaamku ka qabto gudniinka fircooniga ah, islamarkaana ay bulshada ku wacyigeliyaan sidii looga hortagi lahaa dhaqankaasi haraadiga ah. Wuxuu tilmaamay Sheekh Maxamed Qeyroow in wasaaradda iyo culumaa’udiinka Soomaaliyeed uu xil weyn ka saaranyahay wacyigelinta bulshada Soomaaliyeed ee muslimiinta iyo in bulshada laga reebo dhaqamada ka soo horjeeda Diinta Islaamka, sida gudniinka Fircooniga iyo wixii la halmaala. Agaasimaha ayaa ku boorriyay culumaa’udiimka iney shirka maanta furmay ka soo saaraan go’aanno la xiriira arrinta gudniinka Fircooniga si markaasi loogu bandhigo bulshaweynta Soomaaliyeed.

Arday Soomaaliyeed oo Shiinaha u aadaya Waxbarasho

Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya ayaa 6dii September 2015 soo bandhigtay 20 arday oo ku guuleeystay deeq waxbarasho heer Jaamacadeed oo ay Dowladda Soomaaliya ka heshay dowaldda Shiinaha. 20-ka arday ayaa ka kala socday maamul goboleedyada dalka ka jira iyo gobolada Hiraan iyo Banaadir, waxaana lagu wareejiyay warqadihii ay ugu bixi lahayeen dalka Shiinaha. Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare, Wasiiru-dowladaha, Wasiir ku-xigeenka iyo Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka qeyb galay munaasabadda ardayda lagu soo bandigayay. Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Xukumadda Fedraalka Soomaaliya Marwo Qadro Bashiir Cali ayaa hadalo dar daaran iyo dhiir gelin u jeedisay ardayda deeqda waxbarasho heshay, waxaaana ay tilmaamtay in ay ka tarjumaan oo ay ilaaliyaan sharafta shacabka Soomaaliyeed ee ay matalayaan. Qaar ka mid ah ardayda ku guulaystay deeqda waxbarasho ee dalka Shiinaha oo isku jira Gabdho iyo Wiilal oo ka hadlay dareenkooda ayaa sheegay inay aad ugu faraxsanyihiin deeqda waxbarasho ee ay heleen.

Booliiska oo tababar uga furmay Baydhabo

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud iyo wafdi uu hogaaminayo oo isugu jiray saraakiil ka socotay AMISOM, Qaramada Midoobay iyo kuwa ka tirsan booliska Soomaaliyeed oo gaaray magaalada Baydhabo 8dii September 2015 ayaa tababar magaaladaasi 200 askar oo ka mid noqonaya ciidanka booliska u furay. Munaasabad kooban oo lagu qabtay Badhabo ayaa waxaa ka qeyb galay ku-simaha Madaxweynaha Maamulka Koonfurgalbeed ee Soomaaliya, xubno ka tirsan maamulkaasi iyo mas’uuliyiin kale. Cabdiraxmaan Ibraahim oo ah ku-simaha Madaxweynaha Maamulka Koonfurgalbeed oo goobta hadal kooban ka jeediyay ayaa sheegay in askartan cusub looga fadhiyo inay ka faa’iideystaan oo ay u adeegan bulshada. Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud oo furay tababarka ayaa sheegay in askartan cusub looga baahanyahay inay la yimaadaan dulqaad fara badan oo ay ilaaliyaan anshaxa looga baahanyahay askarta.

Japan oo booliska ku wareejisey 56 gaadiid

9kii September 2015 ayaa Taliska Ciidanka Soomaaliyeed lagu wareejiyay 56 gaadiid oo ay isticmaalaan ciidamada, kaasi oo ay ugu deeqday dowladda Japan. Munaasabad kooban oo gaadiidka lagu guddoonsiinayay taliska ciidanka booliska ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirka Amniga Gudaha, Taliyaha Ciidanka Booliska, saraakiil ka tirsan cidamada booliska, kuwa AMISOM iyo saraakiil kale oo ka socotay Qaramada Midoobay. Taliyaha Ciidanka Booliska Sareeyo Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud oo ka hadlay munaasabadda ayaa ugu horeyn dowladda Jabaan uga mahadceliyay sida ay u garab taaganyihiin ciidanka booliska. Tomohiro TOMMATSU oo ah u qeybsanaha dhanka gaashaandhigga safaaradda Jabaan ee Soomaaliya ayaa sheegay in gaadiidkan ay ugu talagaleen inay ku caawiyaan ciidanka booliska Soomaaliyeed. Wasiirka Amniga Gudaha Mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa sheegay in gaadiidka lagu wareejiyay taliska ciidanka booliska uu qeyb weyn ka qaadan karo howlaha ay u hayaan bulshada ee ah ka hortagga kuwa maleegaya amni darrada. Dowladda Jaban ayaa dhowr jeer oo hore waxa ay ciidanka booliska ku wareejiyeen gaadiid, taasi oo qeyb weyn ka qaadan karto howlaha ay ciidamada ku sugayaan amniga

Baarlamaanka oo ansixiyey Miisaaniyadda 2015

Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ayaa 9kii September 2015 ansixiyay miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2015-ka, kaddib markii dib u eegis lagu sameeyay. Dib u eegista miisaniyadda dowladda Soomaaliya ee Sanaadka 2015-ka ayaa waxaa barlamaanka Soomaaliya u soo gudbiyey Wasaradda Maaliyadda kadib markii uu dib u dhac ku yimid miisaniyadii 2015-ka oo ay horay u meel mareyeen golaha shacabka. Xoghayaha Guddiga maaliyadda ee barlamaanka oo kulanka golaha shacabka ka hadlay ayaa sharaxay dib u eegista lagu sameeyay miisaniyadda dalka iyo inta laga dhimay misaaniyaaddi hore. Isagoo sheegay in dhimista lagu sameeyey miisaniyadda aysan saamayn doonin musharaadka ciidanka iyo shaqalaha rayidka dowladda. Wasiirka Maaliyadda Mudane Maxamed Adan Ibraahim “Fergeeti” ayaa tilmamay in dib u eegista miisaniyadda lagu sameeyay inta badan talooyinkii ay soo jeediyen xildhiabanadda barlaamaanku markii la horkeenay bishii hore.

Golaha Wasiirada GalMudug oo diyaarinaya Qorshaha Istraatejiyada

Golaha Wasiirada Dowladda GalMudug ee Soomaaliya ayaa seminar 3 cisho socday ku yeeshay Cadaado 7dii ilaa iyo 9kii September. Ujeedada seminaarka ayaa aheyd sidii loo diyaarin lahaa Qorshaha Istraatejiyada Dowladda GalMudug ee Soomaaliya oo muhiim u ah fulinta barnaamijka Xukuumadda si shacabka deegaanka GalMudug loogu adeego. Khubaro ajaanib iyo Soomaali ah ayaa ka saaciday GalMudug diyaarinta Qorshaha Istraatejiyada GalMudug. Qorshahan ayaa waxuu GalMudug u sahlayaa fulinta barnaamijka xukuumadda isla markaasna sahleysa sidii wasaaradaha GalMudug ay u diyaarin lahaa qorshe howleedkooda uga aadan howlaha loo igmaday. Wasiirada GalMudug ayaa si saraaxad leh uga dooday caqabadaha, iyo fursadaha jira oo u sahlay inay si wadajir ah u diyaariyaan qorshaha istraatejiyada oo ka tarjumaya baahida dhabta ah ee ka jirta deegaanada GalMudug. Tallaabadan ayaa ah mid ay dadka deegaanka GalMudug aad u soo dhoweeyeen oo muujineysa sida ay Madaxweynaha iyo golahiisa wasiirada ay uga go’antahay dar-dargelinta howlaha loo igmaday oo qorshahan istraatejiyada uu yahay mid qeexaya wadada ay ku gaarayaan fulinta barnaamijka xukuumadda GalMudug.

DHAMAAD

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment