5211 Views

Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha oo ku dhawaaqey xilliga ay bilabanayaan wadatashiga hanaanka doorashada iyo aayaha siyaasadeed ee sannadka 2016

____________________________________________________________________________

d-620x264

Kismaayo, 13 September 2015: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Sharma’arke ayaa magaalada Kismaayo kaga dhawaaqey in bishan 20-keeda ay magaalada Muqdisho ka bilaaban doonaan kulamada wadatashiga hanaanka doorashada iyo aayaha siysaasadeed ee Soomaaliya ee sannadka 2016.

Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa go’aankaasi kaga dhawaaqey magaalada Kismaayo, kadib kulan gaar ah oo wadatashi oo dhex marey madaxda qaranka iyo madaxda maamullada Koonfuur Galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan, Jubba, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), Galmudug, Cabdikariim Xuseen Guuleed iyo Puntland, Cabdiweli Maxamed Gaas.

Kulankaasi ayaa madaxda waxay isku afgarteen in maadaama waqtiga harey uu yar yahay, hawlo badanna ay waddanka horyaalaan loo baahan yahay dardar-gelinta qorshaha siyaasadeed ee dalka oo dhammaan bulshada Soomaaliyeed laga qeybgelinayo.

rrr

—DHAMMAAD—

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment