4359 Views

Madaxweynaha oo ka soo laabtey socdaal uu ku tegey magaalada Kismaayo

____________________________________________________________________________

Muqdisho, 13 September 2015: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi u horkacayo ayaa ku soo laabtey magaalada Muqdisho kadib markii uu magaalada Kismaayo kaga soo qeybgaley xafladda caleema saarka Madaxweynaha Maamulka KMG ee Jubba, Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Madaxweynaha ayaa intii uu Kismaayo ku sugnaa waxaa uu kulamo la qaatey madaxda maamullada Jubba, Puntland, Galmudug iyo Koonfuur Galbeed Soomaaliya, halkaas oo lagu go’aamiyey in bishan 20-keeda ay magaalada Muqdisho ka bilaaban doonaan kulamada wadatashiga hanaanka doorashada iyo aayaha siysaasadeed ee Soomaaliya ee sannadka 2016.

—DHAMMAAD—

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment