4551 Views

Kulan ka dhacay New York oo loogaga hadlay qaabka Saxaafada uga hadasho Soomaaliya.

Kulan ka dhacay New York oo loogaga hadlay qaabka Saxaafada uga hadasho Soomaaliya.
____________________________________________________________________________

 Muqdisho, 14 September 2015:  Sihayaha Xafiiska-ka Qaramada Midoobay u fadhiya  Soomaaliya, Cawaale Kullane ayaa hadal ka jeediyay  xaflad la isugu yimid oo ay soo qaban qaabiyeen

Jaamacadda Rutgers University iyo Dr. Uchenna Ekwo oo ka madax ah Xarunta Warbaahinta iyo Nabadda.

Kulankan ayaa waxaa si gaar ah habka warbaahinta caalamku uga sheekeyso amba ay uga hadasho arrimaha Soomaaliya. “How the World Media Covers Somalia.”

Ambassador Cawaale Kullane oo khudbad dheer ka jeediyay shirka ayaa sharaxaad dheer ka bixiyay qaabka ay warabaahinta caalamka uga hadasho Soomaaliya ayaga muujinaayo dhibaatooyinka an ka jirin, sida dagaal isdil joogta ah taas oo runta ka fog.

“Warbaahinta caalamku waxay buun buuniyaan marka ay ka hadlayaan dalka Soomaaliya, caqabaddaha iyo dib u dhacyada oo kaliya, balse ma tabiyaan horumarada dowladda, horumarka ganacsiga, iyo sida dalku uga soo kabanayo dagaaladii iyo fowdadii”

Kulaankaan ayaa lagu sheegay in Warbaahinta ay lafdhabar u noqon-karto horumarka aduun weynaha, balse hadii si qaab daran loo adeegsato ay keeni karto dagaal iyo dib u dhc joogta ah.

Akulan-3

_________________

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment