5817 Views

Sumcadda saxaafiga waa tilmaamaha sugnaanta wararkiisa.

____________________________________________________________________________

Khartoum – Suudaan | September 14, 205 | Waan ka Raagay in mudo ah in aan Qoraal la wadaago sxbada Ku wacan Aqrinta Wabseedyada Ku hadla Afka Somaliga Hayeeshee imika ayey Faraheyga u Holadeen in ay wax Xariiqaan kadib markii ay fariin ka heleen Qalbigeygan U arkay Munaasib in aan wax Ka iraahdo Cinwaanka Kor Ku suntan.

Ficilkasta ee la sameeyo sabab ayaa ka danbeysa iyo hadaf Laga leeyahay, Arinta keentay in aan ciwaankan wax ka qoro ayaa ah in aan saluugsanahay Qaar kamid ah saxafiyiinta wax ku qora Afkeyga hooyo ayadoo Hadafkuna yahay Baraarujin Ama Isxasuusin.

Saxafigu waa indhaha bulshada waa macalinka Umada waa Qofka kaliya ee isku xera dhamaan dadka meel kasta oo ay aduunka ka joogaan waxaana loo baahan yahay in uu ahaado Qof ay dhisan tahay Aqoontiisa Diiniga ah iyo tan maadiga sumcad ku dhex leh dadkiisa oo ay Astaantiisu tahay Ka run sheegida Waxa uu Tabinayo.

Abdikamil Yusuf Mohamud
Abdikamil Yusuf Mohamud

Saxafiga Wanaagsan waa kan ka fogaada been abuurka Musuq maasuqa aflagaadada iyo wax walba oo saameyn ku yeelan kara Sumcadiisa iyo heybada uu ku dhex leeyahay Bulshada.

Madaxweynihii 3-aad ee mareykanka Mr. Thomas Jefferson oo kahad layay doorka Saxaafada waxa uu yiri “haddii ley kala dooransiin lahaa dowlad leh saxaafad aan Madax banaaneyn iyo saxaafad madax banan oo aan dowlad laheyn waxaan dooran lahaa saxaafad madax”.

Waa Sax in la Qiimeeyo Xuriyatul qowlka oo saxafigu waxa uu xaq u leeyahay xuriyad dhameystiran si uu u cabiro Dareenkiisa u tabiyo waxyaabaha ay u baahan yihiin mujtamaca lkn taas macnaheedu ma aha in uu Awood u leeyahay ku hadalka Oraah walba ee uu doonayo.

Waxaa jira Xuduudo iyo xeerar Adag oo aanu ka gudbi Karin saxafiga waaxaana ugu horeeya diinteena muqadaska ah ee xakameysay dhamaan Insaanka oo dhan Saxafiguna waxa uu ka mid yahay dadka oo waxaa ka xaaraan ah dhamaan waxa laga xarimay umada inteeda kale.

Sidoo kale waxaa jira dhaqamo iyo soo jireeno u gaar ah shucuubta caalamka kuwaas oo mudan in la ixtiraamo marka lagasoo tago taana waxaa Jira Xeerar caalami ah oo xakameeya Wariyaha, Saxafiga wanaagsanina waa kan u hogaan sama dhamaan xeerarkaasi si sumcadiisu u dhowrsanaato.

Xeerka Saxaafadda

Ururo Warbaahineed oo badan ayaa waxa ay wada jir u sameeyeen Xeerar iyo Qodobo lama dhaafaan u ah Saxaafada oo ay ku shaqeeyaan kuna dhaganaadaan waxana ka mid ah.

  1. Qalad la’aan
  2. Xaqiiqo ku saleyn,
  3. Kala Soocida Xaqiiqda iyo Ra’yiga
  4. In aanu sumcad dil ku sameynin Qofna
  5. Dib u saxid hadii uu Qalad ka dhaco
  6. In aanu Aqbalin qaadashada laaluush
  7. In aanu danahiisa shaqsiyadeed ka hor marin danta Guud
  8. Cadaalad,
  9. In aanu warka ku raadin Qaab Qiyaano ah
  10. Isku dheela tir & dhex dhexaadnimo.

Hadii saxafigu ilaaliyo dhamaan Qodobadaas iyo kuwo kale ee la midka ah waxa uu noqonayaa wariye naajix ah oo dadku ay rumeystaan wararkiisa waxaana uu bulshada ku dhax yeelanayaa taageere yaal badan oo jecel qoraaladiisa.

Ogow saxafi Qormadaada hore ee runta iyo howlkarnimadu ka muuqato waxa ay ka qeyb qaadaneysaa korarka taageerayaashaada oo waxaad noqoneysaa qof ay dadku xiiseeyaan qormooyinkiisa ay tabaan hadii ay waayaan, lkn hadii lagugu barto been iyo warar aanu Aqbali Karin caqliga aqristaha waxaad noqoneysaa mid ku fashilmay kasbashada bulshada oo waxaad gaareysa in aanu la eegin qormooyinkaaga xataa hadii aad wax wanaagsan qortid.

Somalidu waxa ay Tiraahdaa (beentaada hore Runtaada danbe ayey u Baas tahay) Waa xaqiiq jirta oo cidii mar waqti uu kaga lumo qormo aanu u qalmin Waqtigaa dib kuu eegi meyso oo waxaad noqoneysaa qof magaciisu ku caan baxay fashil oo horay looga tago kolkii uu soo muuqdoba.

Hadaba Sumcadda Saxafigu waxa ay tilmaan u tahay Sugnaanta wararkiisa oo dadku sida ay u kala sumcad badan yihiin wariyeyaasha ayey u kala jecel yihiin oo ay u aaminaan wararkooda taasina waa xaqiiqo jirta oo aaney cidi dafiri Karin.

Sumcaddu waa Mid la kasban karo ee ma aha mid loo dhasho waxaana saldhig u ah ka Run sheegida dhacdooyinka iyo ka fogaanshaha wax walba oo sumcad dil kugu keeni kara.

Ugu danbeyn dhamaan waxaan Xasuusinayaa Saxafiyiinta Somaliyed in aysan Ilaawin Xili Walba Akhiro oo waxaa Jiri doonta Maalin la Xisaabinayo dhamaan waxii Camal ahaa ee aad Fashay Ogowna Carabku waa Halka qaladka ugu badan ee Insaanku uu ka Yimaado Saxafiguna waa Xubinta ugu muhiimsan ee uu ku shaqeeyo.

Dhamaad

F.G:waxaan ugu talo galay qormadan kooban in aan ku baraarujiyo sxbada aan shaqo wadaaga nahay mana aha mid aan ku durayo shaqsi ama ashqaas gaar ah mana isu arko in aan ahay nin Wanaagsan oo dad xun saxayo ee waxaan isu arkaa Saxafo la wadaagayo Saaxiibadii Fikir iyo Talo.

.

Abdikamil Yusuf Mohamud

Khartoum Sudan

______________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment