4488 Views

Ahlu-sunna oo u hanqal taageeyso qabsashada Caabudwaaq

Ahlu-sunna oo u hanqal taageeyso qabsashada Caabudwaaq
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 15 September 2015: Ahlu sunna ayaa sheegtay in ay weerar ku qabsan-doonto Cabuudwaaq oo usbuuci tegay looga ital roonaaday marki ay isku dayeen in wasiirka Ganacsiga Galmudug kala baxaan gurigiisa.

Wadaad u hadlay Ahlu-sunna oo lagu magacaabo Mursal Sheekh Maxamed Yuusuf Xeefow, ayaa sheegay in diyarinayaan ciidamadi qabsan lahaa ee la wareegi lahaa Caabudwaaq.

“Ciidamada Ahlusuna waxay diyaar garow ugu jiraan sidii ay weerar rogaal celin ah ugu qaadi lahaayeen Caabudwaaq, si gacanta Maamulka ku soo laabto”ayuu ku soo xiray Mursal hadalkiisi.

Waxaa la sheegayaa in dhaq-dhaqaaq ciddan uu ka socdo Gobollada Dhexe, kaas oo ay wadaan kooxda Ahlu-sunna oo dooneeyso in ay soo ceshato muuqaalki ay ku lahayd gobolladaas.

In kastoo baaqyo kala duwan loo jeediyay labada dhinac ee isku haystaa Galgaduud, hadana waxaa muuqato in ay arrintu tahay dagaal ma hurto, hadii an caqligu shaqeeyn.

 

.

_________________

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment