4842 Views

Nin injeneer ah oo qarax lagu dilay

Nin injeneer ah oo qarax lagu dilay
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 15 September 2015: Nin injeeneer ah oo lagu macaabo Siidow Cismaan Cali, ayaa lagu dilay qarax loogu xiray gaarigiisa. Marku qarax dhacayay injeerka ayaa watay baabuurkiisa wuxuna maraayay Buunda Anzalotti oo ku dhaw xaafada Xamar Jajab.

Inj.Siidow ayaa ahaa nin qandaraasyo ka qaato Dowlada Hoose ee Gobolka Banadir oo wuxuu ahaa ninki dhisay Daljirka Daahson, Xarunta Cusub ee Gobolka Banadir iyo dhismayaal kale. Marxuumka qaraxa waxaa loogu xiray kursiga uu ku fadhiyay hoostiisa.

Axmad Cismaan Dhorre oo ah Gudoomiyaha Degmada Xamar Jajab, ayaa sheegay in an cid kalae aysan wax ku noqon qaraxaas oo Inj. Siidoww uu kaligi gaariga saara, gacantiisana uu ku watay.

Ma jirto cid sheegatay qaraxaas amba lagu tuhmaayo.

_________________

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment