8940 Views

Qarax ka dhacay Degmada Xamar-jajab

Qarax ka dhacay Degmada Xamar-jajab
____________________________________________________________________________

Muqdisho | September 15, 2015  | Injineer u shaqeynayay Dowlada Soomaaliya ayaa maanta lagu dilay Qarax loogu xiray gaarigiisa, Waxaana Qaraxan lagu dilay Injineerku uu ka dhacay albaabka gurigiisa oo ku yaalla Degmada Xamar-jajab ee Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha Degmada Xamar-jajab, Axmed Cismaan Dhoorre oo Warbaahinta kula hadlay halka uu Qaraxan ka dhacay ayaa sheegay in Injineerka la dilay lagu magacaabi jiray Siidoow uuna howlo badan ka qabtay Muqdisho.

“Waxaa maanta lagu dilay Qarax Gaarigiisa loogu Xiray Inj. Siidoow Cismaan Cali oo ka mid ah Injineerrada Soomaaliyeed, Wuxuuna Horay u Dayac-tiray Xarunta Gaadiidka iyo Taallada Daljirka Dahsoon ee Muqdisho, halkaasoo ay shacabka Soomaaliyeed maalmaha qaarkood ay daawasho u tagaan,” ayuu yiri Dhoorre.

Sidoo kale, Guddoomiyaha ayaa intaas ku daray in baaritaanno lagu baadi-goobayo ciddii mas’uulka ka ahayd weerarkan ay socdaan, isagoo Mas’uuliyada Qaraxan dusha uga tuuray Xarakada Al-shabaab oo uu ku tilmaamay kuwo dhibaatooyin ku haya Shacabka.

Goob-jooge ku sugan halka uu Qaraxu ka dhacay ayaa isagana Warbaahinta u sheegay in Qaraxa uu ahaa mid ku xiran gaariga, isagoo intaas ku daray inuu Arkay maydka hal qof iyo dhaawac mid kale oo rayid ah. “Waxaa maqlay Qarax weyn, markaan dibadda u soo baxnayna waxaan Arkay Baabuur uu Qarax burburiyay, halkaasoo uu yaallay maydka hal ruux iyo dhaawaca Qof kale,” ayuu ku yiri Goobjoogahan hadalka uu siiyay Warbaahinta.

Balse, Guddoomiyaha degmada Xamar-jajab ayaa sheegay inaysan jirin cid kale oo wax ku noqotay Qaraxan, iyadoo aanay jirin weli cid loo Qabtay Qaraxa iyo Cid Sheegatay inay ka dambeysay Weerarkan.

Dhanka kale, dambeyn, Ciidammo ka tirsan kuwa Dowladda Somalia oo gaaray Goobta uu Qaraxu ka dhacay ayaa Baaritaanno Sameeyay, inkastoo aysan jirin Cid ay kusoo Qabteen, welina kama aysan hadlin Qaraxan Hay’adaha Amniga Dowladda Soomaaliya.

Ugu dambeyn, Qaraxan ayaan ahayn kii ugu Horreeyay oo Mas’uul ka tirsan Dowladda FS lagu dilo oo Magaalada Muqdisho ka dhaca, iyadoo dhowr jeer ay Qaraxyo noocan oo kale oo Khasaare geystay ay ka dhaceen, kuwaas oo Qaarkood ay Mas’uuliyaddooda Sheegatay Al-shabaab.

 

 

.

.

_______________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment