7761 Views

Safiir Sanbalolshe oo dhiibay waraaqihiisa aqoonsiga ee danjiranimo‏

Safiir Sanbalolshe oo dhiibay waraaqihiisa aqoonsiga ee danjiranimo‏
____________________________________________________________________________

By Banadir.com | Ankara,16th September 2015 | Danjiraha cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya wakiilka uga noqon doona dalka Turkiga Ambassador Cabdullahi Mohamed Cali (Sanbalolshe)  ayaa shalay galab oo Talaado ahayd (15/09/2015) waxaa uu warqadihiisa aqoonsiga Danjiranimo ugu gudbiyay Madaxweynaha dalkaas Mudane Recep Tayyib Erdogan.

Munaasabadaas oo ka dhacday aqalka Madaxtooyada ee ku yaala magaala madaxda dalkaas ee Ankara, waxaa uu Danjiraha cusub salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidamada qalabka sida ee Jamhuuriyadda Turkiga, iyadoo halkaas ay Ciidamada Baandeyda ka tumeen muusikada astaanta u ah labada calan ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Turkiga.
Waxaana muddo kadib Safiirka halkaas ku qaabilay Madaxweynaha Turkiya oo ay wehliyaan madaxda Xafiiskiisa iyo saraakiisha Waaxda Hab-Maamuuska Qaranka, isagoo Danjiraha u-dhiibay Warqadihiisa Aqoonsiga, kadibna diplomaasiyiinta Safaaradda mid mid u-baray Madaweynaha, diplomaasiyiintaas oo uu ugu horeeyay Qunsulka  Safaaradda, ahna Ku-xigeenka Safiirka Mudane Xuseen Maxamuud Maxamed.
Guddoonka warqadda aqoonsiga kadib, waxaa uu Madaxweynaha Turkiya si gaar ah u-qaabilay Danjiraha cusub ee Soomaaliya, iyagoo halkaas isku dhaafsaday hadalo cabiraya xiriirka wacan ee ka dhexeeyo labada dal ee walaalaha ah, isagoo Madaxweynuhu u-sheegay Danjiraha inuu ku soo dhawaado dalkiisii labaad, kuna ballan qaaday goobtaas in dawladda Turkiga iyo shacabkeeduba ay ka go’an tahay sii xoojinta wax-wada qabsiga ay la leeyihiin Dadka Soomaaliyeed, danjirahana garab lagu siin doono fulinta hawlihiisa Safiirnimo.
Foto Group
Sidoo kale wuxuu Danjire Sanbalolshe isna halkaas ka sheegay sida ay dadka Soomaaliyeed u-qadarinayaan calaaqaadka  ay Turkiga la leeyihiin guud ahaan, gaar ahaana aragtida shaqsiyadeed oo ay ka qabaan Madaxweynaha Turkiga Mudane Erdogan oo ah mid aad u sarreysa, gaar ahaan tan iyo markii uu socdaalka ku yimid Soomaaliya sanadkii 2011 iyadoo dalka ay abaar ba’an ka jirtay iyo booqashadiisii labaad ee horraanta sanadkan 2015 uu ku yimid Xamar, halkaasna uu ka furay mashaariicda Isbitaalka Weyn ee Muqdisha ee loogu magac-daray Madaxweynaha iyo Garoonka Dayaaradaha ee Adan Cabdulle Cusmaan .
Waxaa kaloo xusid mudan in Danjiraha cusub ee Soomaaliya wakiilka uga noqon doono Turkiya Safiir Cabdullahi Maxamed Cali Sanbalolshe oo ay wehliyaan diplomaasiyiinta Safaaradda, ay ubax xusuus ah isla shalay subax dhigeen  Anit-Kapir oo ah qabrigii aas-aasaha Jamhuuriyadda Turkiya ee Mustafa Kemal Ata-Turk .
.
.
____________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment