4257 Views

Qabyo-Qoraaleedka koowaad ee Hindiso-Sharciyeedka Jinsiyadda

____________________________________________________________________________

MUQDISHO- SOOMAALIYA 06, June 2015

KA AQRISO HALKAAN

Qodobka 1aad:

Tilmaamaha iyo Eray Bixint.

            Marka Sharcigan la raacayo ereyada soo socda waxeey leeyihiin micnaha mid waliba ku hor qoran:-

  1. Qaan-gaadh: waxaa loola jeedaa Muwaadin kasta oo da’diisu gaadhay 18 sano iyo ka badan .
  2. Caruur: waxaa loola jeedaa Muwaadin kasta oo da’diisu ka yar tahay 18 sano.
  3. Muwaadin ku noqday Jinsiyad la siiyay: waxaa loola jeedaa qof ajnabi ah oo la siiyay jinsiyadda Soomaalinimada si waafaqsan sharciga.
  4. Maxkamad: waxaa loola jeedaa Maxkamada awooda u leh qaadista dacwadaha Qoyska iyo Socdaalka si waafaqsan xeerka nidaamka garsoorka.
  5. Laba Jinsiyadle: waxaa loola jeedaa qof jinsiyad ka haysta laba dal iyo in ka badan.
  6. Qoys: waxaa loola jeedaa dhowr qof oo ka kooban ugu yaraan hal waalid ama qof sharci ahaan uga mas’uul ah, iyo caruur ay dhaleen ama mas’uul ka ah si waafaqsan xeerka qoyska Soomaaliyeed.
  7. Shisheeye: waxaa loola jeedaa qof aan ahayn muwaadin Soomaaliyeed.
  8. Guur: waxaa loola jeedaa xiriirka sharci ah oo ka dhaxeeya nin iyo naag isqaba ee uu aqoonsan yahay sharciga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
  9. Guur Daneysi ah : waxaa loola jeedaa guur-beenaad ama khayaano ku dhisan oo loo galay ujeeddo ah in dal-ku-gal lagu helo ama jinsiyad lagu qaato.
  10. Wasiir: waxaa loola jeedaa Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
  11. Wasaaradda: waxaa loola jeedaa Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
  12. Waalid: waxaa loola jeedaa aabbihi ama hooyadi qofka dhashay ama mas’uul ka ah.
  13. Qofka Sharci ahaan uga Mas’uulka ah : waxaa laga wadaa qof si rasmi ah ay ugu magacawday maxkamad awood u leh daryeelida iyo xanaaneynta caruurta Aabahooda uu dhintay.
  14. Xeer Nidaamiye : waxaa laga wadaa xeerarka ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka, Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ee la xiriira Fulinta xeerkan.
  15. Deggan: waxaa laga wadaa qof sharciga degganaashaha la siiyay si waafaqsan sharciga socdaalka iyo jinsiyaddaha Soomaaliya.
  16. Somaali: waa qof kasta oo asal ama farac, luqad, iyo dhaqanba ka tirsan ummadda Soomaaliyeed.
  17. Muwaadin Soomaaliyeed: waxaa loola jeedaa qof qaatay jinsiyadda Soomaalinimada si waafaqsan qodobada sharcigaan.
  18. Qof Jinsiyad-laawe ah: waa qofki aan lahayn jinsiyad waddan.
  19. Aabe -Laawe: waxaa loola jeedaa ilmaha aan la aqoonsan aabihii balse leh hal waalid oo loo yaqan ( Single Parent) oo ah hooyada dhashay oo kaliya.
  20. Qaxooti: waxaa loola jeedaa qof loo aqoonsado qaxootinimo ee ku sugan dalka Soomaaliya si waafaqsan Sharciga magan-galyo doonka iyo qaxootinimada.

.

GUJI HALKAA ISAGOO DHAMEYSTIRAN 

___________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment