3606 Views

Shir looga hadlayay maalgashiga Soomaaliya oo lagu soo gabo gabeeyay Dubai

Shir looga hadlayay maalgashiga Soomaaliya oo lagu soo gabo gabeeyay Dubai
____________________________________________________________________________

Muqdisho | September 16, 2015 | Shir looga hadlayay maalgashiga Soomaaliya oo ay ka qeybgaleen Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya ayaa lagusoo gabagabeeyay magaalada Dubai ee dalka Isutaga Imaaraadka Carabta.

Shirkan oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Arrimaha ee Imaaraadka Carabta ayaa waxaa diiradda lagu fursadaha maalgeshiga iyo horumarinta Soomaaliya, kaasi oo ay si wada jir ah u shir guddoominayeen Wasiirka Arrimaha dibadda iyo maalgeshiga ee Xukuumadda Soomaaliya Cabdisalaan Hadliye Cumar iyo Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha dibadda ee Imaaraadka Khalid Ghanim Al Ghaith.

Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha dibadda ee Imaaraadka Carabta Khalid Ghanim Al Ghaith oo ugu horeyn kulanka hadal kooban ka jeediyay ayaa sheegay in shirkan uu sare u qaadayo fursadaha ku aadan in maalgeshi lagu sameeyo gudaha Soomaaliya, waxaana uu cadeeyay in shirka la isku raacay sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal ka dhexeeya, isla markaana ay ganacsatada Imaaraadku maalgeshi ugu sameysan lahaayeen gudaha Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha dibadda iyo dhiiri gelinta maalgeshiga Soomaaliya Cabdisalaan Hadliye Cumar oo ka hadlayay gaba gabadii shirka ayaa sheegay in kulanka uu guul ku soo dhamaaday, isla markaana ay sii xoojineyso xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal.

Wasiirka ayaa dowladda Imaaraadka Carabta ku amaanay taageerada ay mar waliba la garab taagantahay shacabka iyo dowladda Soomaaliya, isagoo intaa ku daray

Shirka ayaa markii uu soo idlaaday kaddib waxaa jiray kulamo gaar gaar ah oo ay mas’uuliyiinta labada dhinac yeesheen, kuwaasi oo la isku raacay in Imaaraadka Carabta ay ka faa’iideysan doonto fursadaha Maalgeshi ee ay Soomaaliya soo bandhigeyso, hadii ay ahaaan lahayd ka faa’iideysiga kheyraadka badda, dalxiiska, tamarta, dhaqaalaha, iyo ganacsiga labada dhinac.

27

37

_________________

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment