5070 Views

UNHCR iyo Talyaaniga oo ku heshiiyay sida loo caawin lahaa Qaxootiga Somaaliyeed

UNHCR iyo Talyaaniga oo ku heshiiyay sida loo caawin lahaa Qaxootiga Somaaliyeed
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 16 September 2015: Dowladda Talyaaniga iyo hay’adda UNHCR ayaa magaalada Nairob ee xarunta dalka Kenya ku kala saxiixday heshiis lacageed oo ay Talyaaniga ugu talagashay in lagu caawiyo qaxootiga ka so cararaya dalka Yemen ee  ku sugan gudaha dalka.

Munaasabad kooban oo ay heshis ku kala saxiixanayeen dowladda Talyaaniga iyo hay’adda Qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobay ee UNHCR ayaa waxa ka qeyb galay Safiirka Soomaaliya ee Kenya Danjire Jamaal Maxamed Xasan, safiirka Talyaaniga ee Soomaaliya Danjire Fabrizio Marcelli, wakiil ka socday UNHCR, wakiilka gaarka ah ee Soomaaliya u qaabilsan xaquuqda caruurta iyo tahriibayaasha Maryan Yaasiin Xaaji Yuusuf iyo mas’uuliyiin kale.

Markii uu kulanka soo idlaaday kadib ayaa waxaa Warbaahinta Qaranka la hadlay Safiirka Soomaaliya ee Kenya Dajire Jamaal Maxamed Xasan oo tilmaamay in heshiiskan uu qeyb ka yahay wax u qabashada qaxootiga Soomaaliyeed ee dalka Yemen ka imaanaya.

“Heshiiska ay kala saxiixanayeen dowladda Talyaaniga iyo hay’adda UNCHR, sababta waxa ay ahayd hal milyan oo lacagta Euro ah, oo ay Talyaaniga ugu deeqday UNHCR, lacagta waxaa loogu talagalay in wax loogu qabto dadka ka yimid Yemen ee ka soo cararay dagaalada dalkaasi ka taagnaa, waxaana ay noqoneysa in sahay safar looga dhigo dadka doonaya in la gaarsiiyo gobollada kale ee dalka” ayuu yiri Danjire Jamaal.

IMG_00191

IMG_0022 IMG_00292

IMG_0035

IMG_0042

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment