6732 Views

Wafdigii waday barnaamijka Jinsiyada ayaa Ottawa soo booqday warbixin dheerna jaaliyada siiyay

Wafdigii waday barnaamijka Jinsiyada ayaa Ottawa soo booqday warbixin dheerna jaaliyada siiyay
____________________________________________________________________________

Ottawa | September 15, 2015 – Wafdi uu hogaaminayo Wasiiru-dowlaha Arimaha Gudaha ee dowlada Federalka mudane Abdirashid Mohamed Hidig ayaa booqasho ku yimid magaalo madaxda Canada ee Ottawa. Wafdiga Wasiiru-dowlaha waxaa ka mid ahaa xildhibaan Xamsa Sheekh Xuseen, xildhibaan Yusuf Maxamed Cali iyo Cali Axmed Cali oo la-taliye u ah Wasaarada Arimaha Gudaha ee dowlada Fedaraalka.

Waxaa magaalada ku soo dhaweeyay oo ay casumad ka heleen Farah Aw-Osman oo madax u ah hay’ada Canadian Friends of Somalia. Waxay la kulmeen jaaliyada Soomaalida ee degan Ottawa waxayna uga warbixiyeen sababta ay u yimaadeen Canada iyo mashruuca ay wadaan.

Inkastoo aysan Ottawa ku jirin magaalooyinkii u qorsheysnaa in ay usoo bandhigaan qorshaha Jinsiyada haddana waxay dadka u sharaxeen barnaamijka jinsiyada ee ay Soomaalida meel walba oo ay joogaan ka qayliyeen kana shakiyeen.

Wasiiru-dowlaha wuxuu dadka u sheegay in sababta keentay in sharciga dib loogu laabto oo wax laga badalo ay tahay maadaama ay jiraan Soomaali badan oo qaadatay jinsiyado kale. Wuxuu tilmaamay in haddii sharciga sidii hore loo dhaafo ay dhacayso in aysan Soomaali badan ka shaqeyn karin Soomaaliya maadaama ay qateen jinsiyado kale. Wuxuu kaloo ku sii daray mar haddii taas wax laga badalayo waxaa la gartay in dadka wadanka imanaya oo ka shaqeeya iyagana la siiyo fursad ay ku noqon karaan Soomaali sida wadamo badan oo dunida ka mid ah.

Waxay iska fogeeyeen fikirka ah in barnaamijkan ay wataan wadamo shisheeye. Waxay tilmaameen in dadka la qalday oo loo sheegay waxyaabo aanan jirin.

Waxay qirteen in ay qalalaaso badan kala kulmeen meelihii ay tageen gaar ahaan magaalada Toronto. Wasiiru-dowluhu wuxuu sheegay in ay maalin walba naftooda qatar u galiyaan in mar dib loo soo celiyo nabadii iyo qaranimadii Soomaaliya. Wuxuu tusaale usoo qaatay xildhibaan wafdigiisa la socda oo 14 xabadood ku dhacday.

Laakiin sharaxaadaas dheer waxba kama badalin dadkii dhageysanayay warbixinta wafdiga. Su’aalahooda waxaa ka muuqday shaki badan iyo in wadankaan wadamo kale loo sharciyeynayo gaar ahaan waxaa marar badan carabka lagu dhufanayay wadanka Itoobiya.

Mas’uuliyiinta qaar ka mid ah ayaa idaacadeena u sheegay in meelihii ay soo mareen dhamaantood ay diideen barnaamijka jinsiyada. Waxay booqanayaan magaalada Edmonton, Canada dabadeedna waxay mari doonaan wadamo badan oo Afrika ah.

Intii ay Ottawa joogeen waxay la kulmeen Wasaarada Arimaha Dibada ee Canada iyo hay’ado kale.

.

.

Sources: Muqdisho Times

______________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment