5223 Views

Qarax kadhacay Dekadda Kismaayo

Qarax kadhacay Dekadda Kismaayo
____________________________________________________________________________

Kismaayo | September 17, 2015 |  Qarax xoogan ayaa la sheegay inuu kadhacay dekadda weyn ee magaalada Kismaayo ee xarunta maamuka Jubbaland.

Ilo wareedyo kudhow halka uu qaraxa kadhacay ayaa sheegaya in qaraxa uu ahaa mid aad u weyn oo laga maqlayay daafaha magaalada Kismaayo, iyagoo intaas ku daray in qaraxaas ay ku dhinteen inta la’og yahay ilaa 3 askari in kabadan 10 kalena ay ku dhaawacmeen.

Qaraxa ayaa la sheegay inuu dhacay mar ay ciidamada amaanka gobolka ay mushaaro u qeybinayeen shaqaalaha ka shaqeeya dekada iyo kuwo kale.

Ururka AlShabab ayaa sheegtay inay ka danbeeyeen qaraxan.

Wixii soo kordhana kala soco Qaranimo Online.

 

 

.

___________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment