4791 Views

Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka oo xubno bulshada ka tirsan kula kulmay xaafadaha Gaalkacyo qaarkood “SAWIRRO”

Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka oo xubno bulshada ka tirsan kula kulmay xaafadaha Gaalkacyo qaarkood “SAWIRRO”
____________________________________________________________________________

Gaalkacyo | QQOL | September 17, 2015 – Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Mahad Cabdalla Cawad oo booqasho qaadatay mudo todobaad ah ku jooga magaalada Gaalkacyo ayaa maanta booqasho ku tagay xaafadda Dahraan ee magaalada Gaalkacyo halkaasi oo ay kusoo dhaweeyeen qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan xaafadaasi.

Suldaan C/nuur Sheekh Muuse iyo Ugaas C/casiis Axmed Cilmi oo ku hadlayey magaca dadka deegaanka ayaa Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya kusoo dhaweeyey xaafada Dahraan iyo gobolka Mudug guud ahaan waxaana ay aad u ammaaneen  kormeerka u kuur-gelidda ah ee uu ku sameynayo deegaannada iyo degmooyinka ay ku nool yihiin dadka uu metello si uu u ogaado hormarka,xaaladda ay ku sugan yihiin iyo baahida ay qabaan si wax loogu qabto.

Wasiirudowlaha caafimaadka Puntland Mudane C/laahi Jaamac Cali oo isna goobta ka hadlay ayaa xusay in kormeerka Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ku sameynayo deegaannada iyo degmooyinka ay degen yihiin bulshada uu metello ay qeyb ka tahay gudashada waajibaadka qaran ee loo igmaday oo ah metelaadda shacabka.

Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Mahad Cabdalla Cawad oo isna ka hadlay goobta ayaa xusay in kormeerkiisu la xiriiro sidii uu u ogaan lahaa xaaladda iyo hormarka ay ku sugan yihiin dadka uu metello islamarkaana uu la kulmi doono qeybaha kala duwan ee bulshada iyo maamulka degmada Towfiiq iyo kan gobolka Mudug si uu ogaado baahida dhabta ah ee daaganka iyo waxyaabihii horey u qabsoomay.

gud-kuxigenka-bar-gaalkacyo-1gud-kuxigenka-bar-gaalkacyo-7 gud-kuxigenka-bar-gaalkacyo-6 gud-kuxigenka-bar-gaalkacyo-5 gud-kuxigenka-bar-gaalkacyo-4 gud-kuxigenka-bar-gaalkacyo-3 gud-kuxigenka-bar-gaalkacyo-2

.

.

_________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment