1485 Views

18 askari oo ka tirsan ciidamadii Mareykanka ee Soomaaliya ka soo dagaallamay

18 askari oo ka tirsan ciidamadii Mareykanka ee Soomaaliya ka soo dagaallamay
____________________________________________________________________________


Talaado: October 5, 2021

18 askari oo ka tirsan ciidamadii Mareykanka ee Soomaaliya ka soo dagaallamay ayaa loo kordhiyay darajada ciidannimo, taas oo u ah abaalmarin lagu sharfay.

Billadaha dallacsiinta askarta oo noocoodu yahay xiddigaha Qalinka ah ayaa la siiyay askartan oo 28 sano ka hor ka tirsanaa militariga Mareykanka qaybta saddexaad, guutada 75-aad, kuwaasoo horay u heystay billadaha xiddigaha maarta ah.

Ragga howlgabka ah ee billadaha la siiyay ayaa kala ah: Alan Barton, John C. Belman, Kenneth P. Boorn, James M. Cavarco, John M. Collett, Michael Collins, James C. Joyce, Brad M. Paulsen, Larry D. Perino, Robert R. Phipps II, Dominick M. Pilla, Randall J. Ramaglia Jr, John D. Stanfield, Michael Steele, Richard Storus, Jeffrey D. Struecker, Joseph F. Thomas iyo Sean T. Watson.

Dhammaan xubnaha la guddoonsiiyay abaalmarinta ayaa ahaa ciidankii ka baxay Soomaaliya ka dib dagaalkii 18-ka askeri looga dilay ee 1993, kaas oo loo bixiyay Black Hawk Down (waa mid ka mid ah magaca diyaaradihii la soo riday xilligaas).

Taliska militariga ayaa marka uu abaalmarinnadan bixinayay sheegay in askartaas hadda rug caddaayada ah ay ku muteysteen shaqadii ay sameeyeen maalintii 3-da bisha October iyo maalintii xigtay ee 4-ta October, 1993-kii.

28 sano ayaa ka soo wareegtay markii ciidamadii Mareykanka ee Soomaaliya ku sugnaa lagu dilay howlgalka oo ay sidoo kale waxyeello isugu jirta dhimasho iyo dhaawac kasoo gaartay ciidamadii Qaramada Midoobay ee loo diray Soomaaliya.

Xalaaddii ban’aadanimo ee ka dhalatay dagaaladii sokeeye daba socday burburkii dowladdii dhexe ayaa keentay in dalal badan oo caalamka ah ay ku dhawaaqaan hawgal loogu magac daray hawgalka nabad ilaalinta Qaramada Midoobay taas oo keentay in ciidammada hawalka Qaramad Midioobay loo diro Soomaaliya.

Askari ka tirsanaa guutada 75-aad ee ciidamadii dallaayadaha ku boodayay ee Soomaaliya loo diray, oo lagu magacaabo Jeff Struecker – haddana ku jira liiska ciidanka abaal marinta helay – ayaa sheegay in uusan garan karin wax lala barbardhigo dhacdadii Soomaaliya inta uu ku jiray xirfaddiisa askarnimad

23 sano oo uu Jeff Struecker ka tirsanaa militariga Mareykanka waxa uu howlgallo u tagay meelo ay ka mid yihiin Panama, Afghanistan iyo Ciraaq, balse wuxuu sheegay in uusan waligiis arkin xaalad uga darneyd tii uu ku arkay waddooyinka magaalada Muqdisho bishii October ee sannadkii 1993-kii.

“Dhowr jeer ayaan dagaallo ka qayb galay Soomaaliya ka hor iyo marar badan oo ka dambeeyay, balse waligey ma arkin geesinnimo iyo dagaal la mid ah kii aan ku aragnay dadkii ku sugnaa waddooyinka Muqdisho, Soomaaliya, Xitaa wax u dhow ima soo marin,” ayuu yiri Struecker.

Jeff Struecker oo goor sii horreysay wareysi kale bixiyay ayaa sheegay in ujeedkii Soomaaliya loo geeyay isaga iyo xubno kale ay ahayd sidii ay gacanta ugu soo dhigi lahaayeen Jeneraal Maxamed Faarax Ceydiid, waxaana uu ka sheekeeyay wixii dhacay horaantii bishii Oktoobar ee sanadkii 1993-dii.

“Aniga iyo guutadii aan ka tirsanaa waxaa naloo diray hawgalkii toddobaad oo ahaa kii ugu dambeeyay, ujeedkiisuna ahaa sidii aan gacanta ugu soo dhigi lahayn Ceydiid, waana xilligaas marka ay dhacday diyaaradii Black hawk down ee ciidamada Mareykanka,” ayuu yiri Jeff Struecker oo ka sheekeeyay wixii dhacay xilligaas isagoo la hadlayay xarunta American veterans Centre.

Jeff wuxuu sheegay in cabsidii iyo argagixii uu kala kulmay hawgalkii lagu so qabanayay Ceydidi uu ahaa mid uur ku taala ku noqotay, waligiina aanu hilmaamin.

Mr Struecker, oo dhawr sano kahor hawgalka guursdaay ayaa sheegay in uu aaminay in aanu dib dambe u arki doonin xaaskiisa iyo canuga ay caloosha ku siday marka la ego xaaladii uu xilligaas ku sugnaa, maadaama uu hogaaminayay hawgalka.

Wuxuu intaa raaciyay: “saskii aan ka qaaday hawlgalkaas wali wuxuu ka guuxayaa maskaxdeyda”.

Filim caan baxay oo shirkadda filimada ee Hollywood-ka ay goor dambe ka sameysay howlgalkalkii diyaaradaha Mareykanka, oo loogu magac daray “Black Hawk Down” ayaa lagu xusay sheekooyinka la xiriira dhacdooyinkii khuseeyay maleyshiyaadkii hubeysnaa ee Soomaalida iyo ciidankii Mareykanka.

BBC

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post