4125 Views

Danjiraha Soomaaliya ee Uganda oo suxufiyiin tababar ugu soo xiray Kambala

____________________________________________________________________________

download5

Muqdisho | September 18, 2015 | Danjiraha Soomaaliya ee dalka Uganda ayaa Suxufiyiin iyo agaasimayaal warbaahineed tababar ugu soo xiray magaalada Kambala.

In ka badan Sodon suxufi oo ay ku jiraan qaar ka mid ah agaasimayaasha warbaahinta dalka ayaa tababar loogu soo xiray Kambala kaasoo lagu qaadanayay casharro la xiriira arrimaha jinsiga iyo sidii warbaahintu ay kaalin wax ku ool ah uga qaadan laheyd horumarinta dalka.

Agaasimaha Radio Muqdisho C/raxiin Ciise Caddow oo ka mid ahaa mas’uuliyiintii ka qeybgashay tababarkaasi ayaa xusay iney waxyaabihii ay ka kororsadeen tababarka ay gaarsiindoonaan bulshada Soomaaliyeed.

“Waxyaabaha naloo soo xushay waxaan u fahamsanahay inaan nahay dhegaha shacabka, indhahooda iyo caqligooda, wixi wanaagsanaa een halkan ku baranayna isbedelaan ku sameynkarnaa haddaan dib u laabano” ayuu yiri agaasimaha Idaacadda Radio Muqdisho C/raxiim Ciise Caddoow.

Tababarkan oo Afar maalmood ka socday Kambala  ayaa ugu dambeynti waxaa soo xiray Danjiraha Soomaaliya ee Uganda Siid Axmed Sheekh Daahir oo kula dar daarmay suxufiyiinta iney bulshada uga faa’iideeyaan aqoonta ay ka kororsadeen tababarkan.

________________

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment