4968 Views

Obama Oo Warqadihii Aqoonsiga Safiirnimo Ka Guddoomay Safiirka Soomaaliya U Fadhin Doona Mareykanka

Obama Oo Warqadihii Aqoonsiga Safiirnimo Ka Guddoomay Safiirka Soomaaliya U Fadhin Doona Mareykanka
____________________________________________________________________________

Mogadishu | September 18, 2015 | Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa shalay munaasabad ka dhacday Aqalka Cad ee Dalkaasi wuxuu warqadihii aqoonsiga kaga guddoomay safiirka cusub ee Soomaaliya Axmed Ciise Cawad.

Axmed Ciise wuxuu baddalay safiirkii hore ee Maraykanka, Cumar Cabdirashiid Sharmaarke oo noqday ra’iisul-wasaaraha Soomaaliya bishii December ee sannadkii hore.

Safiirka cusub ee Soomaaliya Axmed Ciise ayaa laanta afka Soomaaliga ee VOA-da  u sheegay in Obama ay kawada hadleen arrimaha Soomaaliya, isagoo sheegay inuu si weyn u daneynayo arrimaha Soomaaliya.

Safiirka ayaa sheegay in dhawaan albaabada loo furi doono safaaradda cusub ee Soomaaliya ee magaalada Washington.

.

________________

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment