5661 Views

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada oo ka tacsiyeeyey geerida Sh. Rashid Bin Maxamed Bin Rashid Al Makhtoum

____________________________________________________________________________

306880

Muqdisho, September 19, 2015——Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Sharmarke ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray Madaxweyne Ku-xigeenka ahna Ra’iisul Wasaaraha Isutagga Imaaraadka Carabta U.A.E oo wiilkiisa Sheekh Rashid Bin Maxamed Bin Rashid Al Makhtoum uu ku geeriyooday maanta magaalada Dubai.

“Innaa lillaahi wa inaa Illeyhi raajicuun, waxaa na soo gaartay geeri naxdin leh oo ku timid alle ha u naxariistee Sheekh Rashid, waxaana alle uga baryeynaa inuu janadiisa ka waraabiyo” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha.
Isaga oo sii hadlaya ayaa waxa uu yiri.

“Aniga oo ku hadlaya magaceyga, kan Xukuumada iyo midka Soomaaliyeed, waxaan si gaar ah halkan tacsi ugu dirayaa Madaxweyne Ku-xigeenka ahna Ra’iisul Wasaaraha Isutagga Imaaraadka Carabta Sheekh Maxamed Bin Rashid iyo dhamaan Qoyska, Qaraabada iyo shacabka Imaaraadaha Carabta U.A.E” ayuu yiri ugu dambeyntii Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Sharmarke.

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN

—-Dhamaad—-

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment