4521 Views

Wasiir Farkeeti “Waxaan wadnaa qorshe aan isugu keeynayno dowladda dhexe iyo maamulada goboleedyadda, si loo helo canshuur midaysan”

____________________________________________________________________________

Kulanka Jimcaha ee SNTV

Muqdisho | September 19, 2015 | Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Faderaalka Soomaaliya mudane Maxamed Aden Ibraahim “Farkeeti” oo shalay ka qayb galay kulanka Jimcaha ee ka baxa Radio Muqdihsho iyo TV qaranka ayaa si faah faahsan uga hadlay dib u eegista  miisaaniyadda 2015, Canshuuraha, Qaabka dakhligu u soo xaroodo, dhibaatooyinka haysta badeecooyinka ka taga Muqdisho, Mushaaraadka Ciidanka iyo Qorshaha ku aadan isku xirka canshuuraha dalka.

Wasiirka oo bulshada Soomaaliyeed ee ku nool dalka dibadiisa iyo gudihiisu ay su’aalaha si toos uga soo weydiinayeen khadadka telefoonada, Facebook iyo Twitte-kar, ayaa si faafaahsan bulshaweynta Soomaaliyeed ugu  waramay caqabadaha dhaqaale ee dalka ka jira iyo in maanta muhiimad gaar ah u leedahay in umadda Soomaaliyeed la fahanysiiyo fa’iidada ay canshuurtu u leedahay horumarka dalka.

“Waxaan dhibaatada dhaqaale sabab u ah qoondadii aan ka sugaynay deeq bixiyayaasha oo aan si wanaagsan u soo xaroonin, taasina waxay sababtay inaan dib u eegis ku samayno misaaniyadda 2015, waxaana ka dhinay 40 milyan oo Dollar. Meelaha aan dhimtaanka ku samaynay waxaa ka mid ah mushaaraadka ciidamada oo makrii hore qaarkood heli jireen laba mushaar, waxaana hada ku soo koobnay inay isku xuquuq noqdaan, waxaana dhawaan bilaabayna inaan siino mushaardkooda, hada kadibna bilkasta waxaan bixinaynaa laba bilood mushaarkood si sanadkaan dhamaadkiisa aan u bixino dhamaan mushaaraadka ciidamada oo noo leh mudnaanta koowaad, waxaa sidoo kale aan dhinay kharashaadkii dowladda, waxaana noo qorshaysan in misaaniyadda sanadka 2016 oo aan hada bilownay wada tashigeedu iney noqoto mid ku tiirsan dakhliga dowalada, anagoona balaarinaynaa wada tashiga ku aadan diyaarinteeda” ayuu yiri wasiir Farkeeti

Wasiirka ayaa sidoo kale aad uga hadlay canshuuraha is bar bar yaaca ah ee laga qaado shacabka, kuwaas oo qaarkood loo aaneeyey Wasaaradda Maaliyadda, wuxuuna Wasiirku sheegay in Wasaaraddu ay ogtahay oo kaliya canshuurta lagu qaado boonada Xafiiska Xisaabiyaha Guud, wixii intaas ka soo harana aysan wasaaradu wax shaqo ah ku lahayn.

“Cabashooyin badan ayaa ka taagan canshuuraha, wayahaan danabana aad ayeey u bateen dadka qaabka khaldan u qaada canshuuraha, ilaa iyo hada waxaan ogahay canshuurta uu qaado gobolka iyo mida wasaaradu qaado, waxaana degmo kasta ku yaala xafiis ay leedahay wasaaradda maaliyaddu, qof kasta oo si khaldan canshuur looga qaado waa inuu la xariiro xafiiskaas si loo hubiyo canshuurta laga qaaday iney sax tahay iyo in kale”

Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay in waasaradu ay wado qorshe ay isugu keenayso Maamul Goboleedyada dalka si loo mideeyo canshuuraha dalka, taas oo looga gol leeyahay in canshuuraha hada laga qaado ilaha dhaqaalaha in loo badalo hab Tariifo ku salaysan.

“Canshuurta laga qaadayo ilaha dhaqaalaha dalka, marka hore waa in laga heshiiyo siyaasadda, lagana wada qayb qaato sugida amniga, maamul goboleedyada dalka ka jira waxay gacmaha kula jiraan shaqooyin badan oo dowladda federaalka ah leedahay, si arrimahaas loo saxana waa in si guud loo dhaqan galiyaa nidaamka federaalka ah, lana qeexaaa awoodaha ay kala leeyihiin maamul goboleedyada iyo dowaladda dhexe. Dhanka kale baaritaan aan samaynay ayaan ku ogaanay in badeecooyinka ka soo daga dekedda Muqdisho ay qabaan dhibaatoyin gooni ah iyo culaysyo dhanka canshuuraha marka badeecooyinkaas loo raro gobolada iyo dalalka dariska ah waxaa dhacada in Isbaaroyin tiro badan looga qaado canshuur siyaado ah” ayuu yiri Wasiir Farkeeti

Ugu danabyntii Wasiirka ayaa sheegay in dowladdu ay sanadkii hore ay bilowday qaadida canshuuraha barriga. “bur burka dalka soo gaaray awgiis dadku waaba iloobeen in canshuur layska rabo, si doorkaas loo soo celiyo waxaan sanad ka hor bilownay qaadista canshuuraha barriga, ujeedka laga leeyahayna waa in marka ugu horaysa la fahamsiiyo shacabka in ay canshuur ku waajibtay, si loogu qabto adeegyada asaasiga u ah bulshada, waxaana ilaa hada ay canshuurahaas ku socdaan hab ku dhisan xaal mastuur, madaama looga gol leeyahay in dadka la baro nidaamka canshuuraha oo ay maanta ka fahansan yihiin oo kaliya in marka ay wax soo degsadaan laga rabo canshuur”

________________

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment