4776 Views

Waxqabadka Dawladda ee isbuucii la soo dhaafay

____________________________________________________________________________

kkkkkkkkkkkk-620x264

Mogadishu, 19 September 2015 – Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa ka warbixiyey horumarka Dowladda ee usbuucii la soo dhaafay.

Wasiirka ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin; Shirka Maalgeshiga Soomaaliya oo lagu qabtay Dubai, Madaxweynaha Jubbaland oo la caleema saaray, Danbiilayaal Al-Shabaab ka tirsan oo xukuno xabsi daa’in ah lagu riday, Talyaaniga oo qaxootiga Soomaaliyeed caawinaya, Deegaano ka tirsan Bay oo lagala wareegtay Al-Shabaab, Wasaarada Waxbarashada oo soo bandhigtay Shahaado cusub oo dugsi sare ah, Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo wadatashi la yeeshay bulshada rayidka ah, Wasaaradda Caafimaadka oo deeq Daawo ah gaarsiisey Gololey, Taliye ku xigeenka Booliska oo howlo u tagey Beledweyn, Golaha Isutaga Jaamacadaha Soomaaliyeed oo la aasaasay, Garoonka Diyaaradaha Buula Burte oo la howlgeliyey, Dufcadii Koowaad ayaa ka qalinjabisay Jaamicadda JobKey, Xaruntii Wacyigelinta iyo Farshaxanka ee Exfiyoore oo dib loogu celiyey gacanta Hobolada Waaberi.

Shirka Maalgeshiga Soomaaliya oo lagu qabtay Dubai

Shir looga hadlayay maalgashiga Soomaaliya oo ay ka qeybgaleen Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu soo gabagabeeyay magaalada Dubai ee dalka Isutaga Imaaraadka Carabta 16kii September 2015. Shirkan oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Imaaraadka Carabta ayaa waxaa diiradda lagu saaray fursadaha maalgeshiga iyo horumarinta Soomaaliya, kaasi oo ay si wada jir ah u shir guddoominayeen Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo maalgeshiga ee Xukuumadda Soomaaliya Cabdisalaan Hadliye Cumar iyo Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibadda ee Imaaraadka Khalid Ghanim Al Ghaith. Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibadda ee Imaaraadka Carabta Khalid Ghanim Al Ghaith ayaa sheegay in shirkan uu sare u qaadayo fursadaha ku aadan in maalgeshi lagu sameeyo gudaha Soomaaliya, waxaana uu cadeeyay in shirka la isku raacay sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal ka dhexeeya, isla markaana ay ganacsatada Imaaraadku maalgeshi ugu sameysan lahaayeen gudaha Soomaaliya. Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo dhiiri gelinta maalgeshiga Soomaaliya Cabdisalaan Hadliye Cumar oo ka hadlayay gaba gabadii shirka ayaa sheegay in kulanka uu guul ku soo dhamaaday, isla markaana ay sii xoojineyso xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal. Wasiirka ayaa dowladda Imaaraadka Carabta ku amaanay taageerada ay mar waliba la garab taagantahay shacabka iyo dowladda Soomaaliya. Shirka ayaa markii uu soo idlaaday kaddib waxaa jiray kulamo gaar gaar ah oo ay mas’uuliyiinta labada dhinac yeesheen, kuwaasi oo la isku raacay in Imaaraadka Carabta ay ka faa’iideysan doonto fursadaha Maalgeshi ee ay Soomaaliya soo bandhigeyso, hadii ay ahaaan lahayd ka faa’iideysiga kheyraadka badda, dalxiiska, tamarta, dhaqaalaha, iyo ganacsiga labada dhinac.

Madaxweynaha Jubbaland oo la caleema saaray

Xaflad si heer sare ah loo soo aagaasimay ayaa 12kii September 2015 lagu caleema saarayay madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe) ayaa waxaa ay ka dhacday magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland. Munaasabadda ayaa waxaa ka soo qeybgalay mas’uuliyiin faro badan oo ay ka mid ahaayeen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, R/Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali sharmaarke, Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, Madaxweynaha Maamulka Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed, Wasiirka Arrimaha dibadda Itoobiya Tedros adhanom, Safiirka Jabuti Ee Soomaaliya, Wakiilka Q.Midoobay ee Soomaaliya Nicholas Kay, Wakiilka IGAD ee Soomaaliya Maxamed Cabdi Afeey iyo wakiilo ka socday Dowlada Kenya, Safiirada Turkiga iyo Imaaradka u fadhiya Soomaaliya. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa magaalada Kismaayo Kulamo kula qaatay Masuuliyiinta Maamulada Dalka iyo Diblumaasiyiinta ka qeybgashay Xafladda Calaamo Saarka.

Danbiilayaal Al-Shabaab ka tirsan oo xukuno xabsi daa’in ah lagu riday

Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ayaa 16kii September 2015 xabsi daa’in ku xukuntay dambiilayaal ka tirsanaa maleeshiyaadka Shabaab, kuwaasoo lagu soo qabtay miinooyinka lagu dhejiyo gawaarida iyo walxo kale oo laga sameeyo qaraxa. Maxkamadda ayaa la horkeenay Xuseen C/qaadir Salaad, C/risaaq Xuseen Cismaan iyo Fartuun Isaaq Cabdi, kuwaasoo ka tirsanaa maleeshiyaadka Al-Shabaab, waxeyna u qaabilsanaayeen diyaarinta qaraxyada lagu gumaado bulshada Soomaaliyeed ee abriyada ah. Sidoo kale Maxkamadda ayaa la horkeenay qalabkii ay ka sameyn jireen qaraxyada ee ciidanka nabadgelyadu ku soo qabteen xilli ay howlgal ka sameynayeen xaafad ka mid ah magaalada Muqdisho. Kaddib markii ay maxkamaddu dhageysatay dacwadda ay xeer ilaalintu ku soo oogtay dambiilayaashan ayaa guddoomiyaha maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka Sida G/dhexe Xasan Cali Shuute waxa uu ku dhawaaqay xukunka sadexdan dambiile, waxaana lagu xumumay xabsi daa’in.

Talyaaniga oo qaxootiga Soomaaliyeed caawinaya

Dowladda Talyaaniga iyo hay’adda UNHCR ayaa 15kii September 2015 magaalada Nairobi ku kala saxiixday heshiis lacageed oo ay Talyaaniga ugu talagashay in lagu caawiyo qaxootiga ka so cararaya dalka Yemen ee ku sugan gudaha dalka. Munaasabad kooban oo ay heshis ku kala saxiixanayeen dowladda Talyaaniga iyo hay’adda Qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobay ee UNHCR ayaa waxa ka qeyb galay Safiirka Soomaaliya ee Kenya Danjire Jamaal Maxamed Xasan, safiirka Talyaaniga ee Soomaaliya Danjire Fabrizio Marcelli, wakiil ka socday UNHCR, wakiilka gaarka ah ee Soomaaliya u qaabilsan xaquuqda caruurta iyo tahriibayaasha Maryan Yaasiin Xaaji Yuusuf iyo Madaxa hay’ada Qaxootiga Soomaaliyeed iyo mas’uuliyiin kale. Safiirka Soomaaliya ee Kenya Dajire Jamaal Maxamed Xasan ayaa tilmaamay in heshiiskan uu qeyb ka yahay wax u qabashada qaxootiga Soomaaliyeed ee dalka Yemen ka imaanaya.

Deegaano ka tirsan Bay oo lagala wareegtay Al-Shabaab

Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa si buuxda 14kii September 2015 ugala wareegay kooxda Al-Shabaab Deegaanno katirsan Gobolka Bay oo hubkoodii iyo rasaastoodii la soo wareegey. Wasiirka Dhaqancelinta Maleeshiyaadka iyo Tababarrada ciidanka Maamul Gobolleedka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya mudane Xasan Xuseen Maxamed ayaa sheegay in howlgalkan lagula wareegey deegaano ka tirsan Bay uu ujeedku yahay in kooxaha nabad-diidka ah laga saaro dhammaan goobaha ay ku dhuumaaleysanyaan si looga hortago inay abaabul ay ku waxyeeleynayaan shacabk ay ka soo sameeyaan. Wasiirka ayaa tilmaamay in ay maalinba maalinta ka dambeysa ay soo badanayaan Dhallinyarada ka soo tagaya maleeshiyaadka Al shabaab.

Wasaarada Waxbarashada oo soo bandhigtay Shahaado cusub oo dugsi sare ah

Wasaaradda Waxbarashada ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa 13kii September 2015 soo bandhigtay shahaada cusub oo dugsi sare ah, taas oo noqon doonto tii rasmiga ahayd oo ay Wasaaraddu isticmaali doonto. Kulanka ay isugu yimaadeen Mas’uuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare, ee xukuumadda Soomaaliya oo ay ugu horeeyaan Wasiirka, Wasiiru-dowlaha, Wasiir ku-xigeenka iyo mas’uuliyiinta kale ee Wasaaradda ayaa lagu soo bandhigay shahaadada dugsiga sare oo naqshad loo sameeyay, kaasi oo laga aqoonsanyahay caalamka. Mas’uuliyiinta Wasaaradda ayaa bogaadin u jeediyay ardayda ka qeyb qaatay imtixaankii mideysnaa oo ay Wasaaradda ka hirgelisay bartamaha iyo koonfurta dalka, iyagoo waalidiinta kale ka codsaday in carruurtooda aysan u sameyn shahaado been abuur ah oo aan adduunka laga aqoonsaneyn, Wasaaradduna ay ka soo horjeeddo mid ka baxsan tan ay maanta soo bandhigeen. Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo tacliinta sare Qadro Bashiir Cali ayaa sheegtay in Wasaaraddu ay ku guuleysatay inay soo saarto shahaado casri ah oo dhanka dugsiyada sare, taasi oo meesha ka saaraysa in lagu hungoobo kuwa been abuurka ah oo ay sheegtay in meelo badan dunida ka mid ah laga diiday.

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo wadatashi la yeeshay bulshada rayidka ah

Guddiga Madaxa Banaan ee doorashooyinka Soomaaliya ayaa bilaabay kulamo ay la yeelanayeen Ururada bulshada Rayidka oo, ay kawada hadleen howlaha guddiga horyaalla. Guddomiyaha Guddiga Doorashooyinka Xaalimo Ismaciil Ibraahim (Xaliimo Yarey) ayaa sheegtay in lama huraan ay tahay in kahor doorashooyinka lala kulmo qaybaha Bulshada si tashi looga galiyo habka loo wajihi karo doorashooyinkaas. Xaliima Yarey ayaa sheegtay in talada ugu wayn ee ka soo baxday kulankaan ay ahayd in Guddiga Madaxa bannaan uu san sinaba uga maarmin Ururada Bulshada Rayidka ah maxaa yeelay shaqadaan waxaa qaban doona kumaanaan kun oo qof kuwaas oo laga doonayo in ay qabtaan shaqooyin badan marka waxaa soo baxday in ay is aaminaan, is maqlaan iyo inay wada shaqeeyaan. Dhanka kale Guddoomiyaha ayaa sheegtay in ay doonayaan inuu dalku ku socdo hannaanka Dimuqraadiyadda si loola jaanqaado dowladaha horumaray oo ay Soomaaliya waxbadan ka hartay.

Wasaaradda Caafimaadka oo deeq Daawo ah gaarsiisey Gololey

Wasaaradda Caafimaadka ee Soomaaliya ayaa deeq daawo ah gaarsiisay 15kii September 2015 xarun Caafimaad oo ku taalla Deegaanka Golaleey ee degmada Balcad, halkaas oo la dhigay dad uu soo ritay cudurka shuban biyoodka. Xildhibaan Cumar Maxamed Maxamuud (Finish) ayay Wasaaradda Caafimaadka u wakiilatay in deeqdan uu gaarsiiyo deegaankaasi, taasi oo loogu talagalay in lagu daweeyo dad cudurka shuban biyoodka qaba oo la keenay Isbitaalka tuulada Gololey ee degmada Balcad ee Gobolka Sh/Dhexe. Xildhibaan Finish ayaa ku wareejiyey maamulka Isbitaalka. Dr Mahad Cumar Abuukar oo ah madaxa Isbitaalka Gololey oo deeqda la wareegay ayaa uga mahadceliyey Wasaaradda Caafimaada sida ay gurmadkan muhiimka ah u soo gaarsiisey. Xildhibaan Cumar Maxamed Maxamuud “Cumar Finish” ayaa ugu horeyn Wasaaradda caafimaadka uga mahadceliyay sida ay ugu gurmaneyso bulshada Soomaaliyeed, isagoo maamulka isbitaalka ka dalbaday inay wax ugu qabtaan bukaanada isbitaalka ku jira.

Taliye ku xigeenka Booliska oo howlo u tagey Beledweyn

Taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliska Sareeyo Guuto Mukhtaar Xuseen Afrax ayaa booqday Beledweyn oo ah xarunta Gobolka Hiiraan, halkaas oo uu dardargelin ku sameeyey howlaha booliska gobolka Hiiraan iyo sidii bulshada deegaankaas ay kaalin fiican uga qaadan lahaayeen sugida amniga iyo kala danbeynta. Taliye ku xigeenka ayaa kormeeray xaafado ka tirsan magaalada Beladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan, halkaasi oo ay ciidamadu ka sameynayeen howlgallo amni xaqiijin ah. Jeneraal Mukhtaar ayaa markii uu tegay meelaha ay howlgalada ka socdeen waxa uu u kuurgalay xaaladda amni ee xilliyada habeenkii ka jirta Beladweyne, waxaana uu xogwareysi la yeeshay qaar ka mid ah dadweynaha magaalada. Sidoo kale ciidanka booliska ee qeybta miino baarista ayaa ka qeyb qaadanayay howlgalka oo mid mid u baarayay gaadiidka xaafaha kala duwan ee magaalada Beladweyne isaga kala dhex gooshayay, waxaana Jeneraal Mukhtaar uu intii uu joogey Beledweyn uu furay cayaar loogu magacdaray koobka isdhexgalka booliiska iyo bulshada oo ujeedadiisu aheyd in bulshada ay si toos ah ula shaqeeyaan booliska si amniga deegaanka loo sugo.

Golaha Isutaga Jaamacadaha Soomaaliyeed oo la aasaasay

Munaasabad 15kii September 2015 lagu qabtay magaalada Muqdisho ayaa looga dhawaaqay Golaha Isutaga Jaamacadaha Somaaliyeed oo ay ku mideysan yihiin inta badan Jaamacaha, waxaana ka qeybgalay munaasabadaasi Xildhibaanno ka tirsan Baarlamanka Somaaliya, Masuul katirsan Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare, Gudoomiyaha Degmada Hodan iyo marti sharaf kale. Guddoomiye ku xigeenka Golaha Isutaga Jaamacadaha Somaaliyeed Prof Maxamed Xasan oo ugu horeyn munaasabadda ka hadlay ayaa ku dhawaaqay in Golaha uu si rasmi ah u shaqeyn doono, isla markaana ujeedkooda uu yahay in la mideeyo Jaamacadaha dalka ka jira. Agaasimaha waaaxda Jaamacadaha Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Bashiir Maxamed Jimcaale ayaa balanqaaday in Wasaaradda Waxbarashada ay garab istaagi doonto Golaha, isagoo ku booriyay in laga qeyb geliyo dhamaan Jaamacadaha dalka. Xildhibaan Maxamd Cumar Dalxa oo ka mid ahaa mas’uuliyiintii ka hadashay munaasabadda lagu daahfurayay Golaha Isutaga Jaamacadaha dalka ayaa kula dardaarmay madaxda Golahan in Gobolada dalka lagu balaariyo tacliinta sare, si ardayda ay fursad ugu helaan in gobollada ay joogaan ay ka heli karaan waxbarasho Jaamacadeed.

Garoonka Diyaaradaha Buula Burte oo la howlgeliyey

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cabdifitaax Xasan Afrax ayaa sheegay in garoonka diyaaradaha ee degmada Buula Burte oo si rasmi ah u shaqeynayo walow ay hadda isticmaalaan diyaaradaha qumaatiga u kaca. Guddoomiyaha ayaa ballan qaaday dayactir in lagu sameyn doono garoonka Diyaaradaha ee Degmada Buula Barde, kadib socdaal uu ku tagay degmada Buulo burte ee gobolka Hiiraan. Guddoomiyaha ayaa u mahadceliyey shacabka deegaanka iyo AMISOM. Guddoomiyaha oo la kulmay qeybaha bulshada degmada ayaa tilmaamay in ay jiraan baahiyo badan oo dhinaca nolosha ah, gaar ahaan caafimaadka iyo waxbarashada, kuwaas oo ay dowladdu wax ka qaban doonto.

Dufcadii Koowaad ayaa ka qalinjabisay Jaamicadda JobKey

Xaflad ay ku qalinjabinayeen 500-Arday oo dhameystay waxabarshada heerka Koowaad ee jaamacadda Jobkey islamarkaana ka baxay kuliyadaha klala duwan ee Jaamacaadaasi ayaa waxaa lagu qabtay Muqdisho 16kii September 2015. Waxaa xafladan ka qeybgalay mas’uuliyiin ay ka mid ahaayeen Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Mudane Maxamed Cabdullahi Xasan Nuux, wasiir ku xigeenka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Cismaan Libaax Ibraahim, Wasiir ku xigeenka Howlaha Guud iyo Dib u dhiska Maxamed Cumar Geeddi, Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa , gudoomiye ku xigeenka gobolka Banaadir ee dhinaca howlaha guud iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada. Mas’uuliyiintii ka hadlay Munaasabadda ayaa waxa ay bogaadiyeen ardayda qalinjabisey, iyagoo ku boorrinayay inay ka shaqeeyaan Hormarka dalka. Gudoomiyaha Jaamacadda Jobkey C/Casiis Caagane Cabdisamad ayaa sheegay in Jaamacadda ay dabooshay baahiyo badan oo dhanka waxbarashada ah oo dalka kajiray islamarkaana ay badbaadisay Jaamacadda Jobkey Mustaqbalka arday badan oo markii hore waxbarasho la’aan ahaa. Wasiir ku xigeenka Shaqada iyo Arimaha Bulshada Xukuumada Somaaliya Mudane Cismaan Libaax Ibraahim ayaa waxa uu xusay in Wasaarada ay qorsheyneyso inay shaqo u abuurto dhalinyarada faraha badan ee ka baxa jaamacadaha dalka. Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Mudane Maxamed Cabdullahi Xasan Nuux ayaa arrin wanaagsan ku tilmamaay in Xaflad loo qabto Boqolaal Arday oo dalkooda wax ku bartay wuxuna kula dardaarmay Ardayda inay dhanka wanaagsna u adeegsadaan cilmiga ay barteen. Gagabagabadii Munaasabada ayaa Shahaadooyinkoodii la siiyay ardayda xafladda Qalinjabinta ah loo qabtay ee dhameystay waxbarashada heerka koowaad ee Jaamacadda Jobkey kuwaas oo tiradoodu gaareysay ilaa 500 –Arday.

Xaruntii Wacyigelinta iyo Farshaxanka ee Exfiyoore oo dib loogu celiyey gacanta Hobolada Waaberi.

Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka & Dalxiiska oo in muddo ahba ku howlaneed sidii Hobolada Waaberi loogu dhiiri gelin lahaa howlaha ay qaranka u hayaan, ayaa Wasaaraddu waxey ku guuleysatay in shacabkii degenaa ex-fiyoore oo aheyd guryihii hobolada waaberi laga saaro si hobolada Waaberi ay u helaan deegaan u suurtogeliya inay labolaabaan hwolaha wacyigelinta bulshada. Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska ayaa sidoo kale dardargelisay howlaha dhaqanka oo barnaamijyo taxane ah oo lagu weyneynayo dhaqankii iyo fankii Soomaaliyeed ka hirgelisay Muqdisho iyo gobollo kale. Sidoo kale Wasaaradda ayaa ku guuleysatay in hobolada waaberi loo helo mushaharaad joogta ah si ay u xoojiyaan dadaalkooda wacyigelinta iyo fanka Soomaaliyeed. Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay taageeran hobolada waaberi, si ay ugu sahlanaato inay u abuuraan koox dhalinyaro ah oo buuxiya doorkii muhiimka ahaa ee hobolada Waaberi.

DHAMAAD

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment