4257 Views

Wasiirka shaqada oo tilmaamay in dhallinyarada ay abuurayaan fursado shaqo

____________________________________________________________________________

IMG_6480-620x264Muqdisho, September 20, 2015— Kulankan wadatashiga oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Shaqada iyo arrimaha Bulshada ayaa waxaa looga hadlayey sidii dhallinyarada loogu samayn lahaa Barnaamijyo shoqo loogu abuurayo dhallinyarada, si looga badbaadiyo halista ay u nugul yihiin sida tahriibka, isticmaalka Mandooriyaha iyo ku biiritaanka Kooxaha Nabad-diidka ah.

Agimaha Guud Wasaaradda Shaqada iyo arrimaha Bulshaqada Cade Maxamed Muqtaar  oo ugu horeyn ka hadlay kulanka ayaa tilmaamay in dhalllinyarada ay yihiin Lafdhabrka Ummadda, ayna ku dadaalayaan sidii fursado shaqo loogu abuuri lahaa.

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo arrimaha Bulshaqada Mudane Cabdiweli Ibraahim Sheekh Muudey oo furay kulanka ayaa u sheegay ka qaybgalayaasha shirka in ujeedku uu yahay, sidii looga wada shaqeyn lahaa midnimada Ummadda, tooso keeni karta in ugu danbeyntii la gaaro halka la hiigsanayo oo ah badbaafinta dhallinta Soomaaliyeed.

“Qorshaha dowladda waxa ay tahay in fursado shaqo loo abuuro dhallinyarada, si looga hortago in dhallinyarada ay tahriibaan ama ay ku biiraan kooxaha nabad diidka ah” ayuu yiri Wasiirka dhaqada iyo arrimaha  bulshada.

Kulankan ayaa qayb ka ah Barnaamijka hiigsiga Soomaaliya, gaar ahaaan Tiirka Afraad,  waxaana  ka soo qayb kalay Wakiilo ka kala socday Waaaradaha  dawladda Fedeaalka Soomaaliya ,Maamul Goboleedyada Dalka iyo Wakiiladda qaar ka mida ah Ururrada Caalamiga ah.

________________

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment