4974 Views

“Arrinta wadahadalka Somaliland meel wanaagsan ayeey mareysa”

____________________________________________________________________________

Madaxweynaha-620x264

Muqdisho, September 21, 2015—Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in meel fiican ay marayaan wada hadaladii u socday dowladda Federaalka iyo maamulka Somailand, isagoo intaa ku daray in sida duruufaha ugu ogolaadaan ay uga mid noqon doonaan shirarka wadatashiga.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo arrimahaasi ka hadlayay ayaa yiri “Howshan aan bilownay, waxaan dhahnay waa wax ay Soomaali oo dhan ay ku jirto, dabcan Somaliland walaalaheena mabda’a ahaan howshan waa ka mid, hadba wixii fursad u helno ayay uga mid noqonayaan iyo sidii ay duruufuhu noogo ogolaadaan, waa ka wada shaqeyn doonaan”

Sidoo kale madaxweynaha ayaa xusay iney meel wanaagsan marayaan wadahadalladii u dhaxeeyay dowladda iyo maamulka Soomaaliland isla markaana hada loo gudbayo waji cusub sida uu yiri

“Arrinta wada hadalka ee horay u socotay meel fiican ayay mareysaa hadda ayay waji cusub u soo gudbeysaa rajadeeda aad iyo aad ayay u fiican tahay, middaan hadda socota mar walba wixii Soomaaliya iyo soomaalida u daneynayo waa ka wada shaqeyn doonaa”ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa sheegay in shirka wada tashiga ee ka furmay magaalada Muqdisho uu soo dhaweeynayo talooyinka wanaagsan ee muwaadiniinta Soomaaliyeed wuxuuna hoosta xariiqay iney qaadanayaan talooyinkaasi wan wanaagsan ee ka imaanaya bulshada Soomaaliyeed.

________________

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment