5118 Views

Qarax ismiidaamin ah oo goor dhaweyd ka dhacay banaanka hore ee madaxtooyada

Qarax ismiidaamin ah oo goor dhaweyd ka dhacay banaanka hore ee madaxtooyada
____________________________________________________________________________

Muqdisho, September 21, 2015 — Qaraxa ismiidaamin ah oo loo adeegsaday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa goor dhaweyd Maqribki inta lagu jiray ka dhacay bar kontorool oo ciidamadu ku leeyihiin irridka hore ee madaxtooyada, taasoo ka soo horjeedda hotelka SYL ee magaalada Muqdisho.

Qaraxan ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray askar iyo dadweyne ku sugnaa nawaaxiga goobta qaraxu ka dhacay, inkastoo aan si dhab ah loo ogeyn tirada dhimashada iyo dhaawaca ka dhashay qaraxani oo ahaa mid aad u xooggana.

Goobta qaraxu ka dhacay ayaa aheyd bar kortorool oo ay ciidamadu ku baaraan gaadiidka, waxaana gebi ahaan burbur xooggan uu soo gaaray dhismayaal iyo goobo ganacsi oo ku dhawaa halka qaraxu ka dhacay.

Dadkii ku dhaawacmay qaraxa ayaa loo qaaday qaar ka mid ah cisbitaallada Muqdisho si ay u helaan gurgaar caafimaad ee degdeg ah, dhaawaca ayaa isugu jiray qaar fudud iyo kuwo culus.

Ciidamada ayaa si weyn u adkeeyay ammaanka nawaaxiga goobta qaraxu ka dhacay iyo xarumaha kale ee dowladda.

Saraakiisha laamaha ammaanka ee dowladda ayaan weli war rasmi ah ka soo saarin qasaaraha ka dhashay qaraxaasi, fuliyay qaraxaas ee watay gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay.

Ila hada cid sheegatay qaraxaas ma jirto, welina baaritaan ayaa goobta ka socda.

Hisilicon Balong

Hisilicon Balong

Hisilicon Balong

Hisilicon Balong

.

________________

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment