2304 Views

Wasiirka Qorsheynta: “Waxaan wadnaa qorista qorshaha horumarinta dhaqaalaha dalka”

Wasiirka Qorsheynta:  “Waxaan wadnaa qorista qorshaha horumarinta dhaqaalaha dalka”

Muqdisho | September 22, 2015 – Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalmiga ah ee xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Cali Caynte oo wareysi gaar ah siiyay Idaacadda Goobjoog ayaa ka hadlay arrimo badan oo ku aadan shaqada wasaaradiisa ay qabatay iyo sidoo kale waxyaabaha ay wasaaraddaasi hiigsanayso.

Wasiirka ayaan ugu horeyn waxa aynu wax ka weydiinnay ka wasaarad ahaan shaqada ay u xilsaaran yihiin iyo sidoo kale waxyaabaha u yaalla inay qabtaan kahor sanadka 2016-ka.

“Wasaaradda Qorsheynta iyo Iskaashiga caalamiga ah, waxa ay leedahay Laba Mas’uuliyad oo waaweyn, waajibka ugu muhiimsan ee wasaaradda u yaalla waxa uu yahay, in dalka ay u qorto qorshe qaran oo xagga hormarinta dhaqaalaha ah, 25-kii sano ee lasoo dhaafay dalku malahayn qorshe qaran, Seddaxdii Sano ee ugu dambeeyay waxaa qorshe Qaran inoo ahaa waxa New Deal-ka loo yaqaano, isagaas ayaan ku soconnay, mas’uuliyadeeda ugu weyn waxay tahay, marka waqtigiisa uu dhamaado New Deal sanadka 2106-ka bisha August, inuu noo diyaarsan yahay Docomenti dowladda hogaaminaysa laakiin dadka Soomaaliyeed Heshiis ku yihiin oo horumarinta dhaqaalaha dalka miiska soo saaraya”

DHAGEYSO WAREYSIGII WASIIRKA QORSHEYNTA

 

Wasiir-Caynte“Midda kale taa waxaa inoo xiga, marka la yiraahdo waxaan u baahannahay wadooyin, isbitaallo, Iskuullo, warashado, meelo korontada laga dhaliyo, meelaha biyaha lagu nadiifiyo tabartii dhaqaale ee loo baahnaa ma haysanno, marka waxaan u baahannahay in tabartii dhaqaale midd aan heli karno ma ahane, midda kale saaxiibada Soomaaliya aan ka baadi goobno, mas’uuliyadeeda Labaad waxay tahay meesha iskaashiga caalamiga ah uu ka imaanayo in wixii aan qoranay ee qorshaha ahaa aan u raadinno taageero dhaqaale, dabcan howlo kale ayaa wasaaradda u dheer oo ay ka mid tahay anigane iga hor billaabatay oo ahaa in dadka Soomaaliya jooga qiyaas lagu sameeyo tiradooda, waana midd aan sii deynay sahankii qiyaasta, dood badanna ha dhaliyo, hadana waxaa nalaga rabaa inaan sameyno tira koob rasmi ah oo dadka Soomaaliyeed tiradooda inta ay la egtahay si rasmi ah u ogaanno, tii hore qiyaas bay ahayd, iyana waajibaadka wasaaradda u yaalla ayeey ka mid tahay. Yiri Wasiir Caynte.

Wasiir Cabdiraxmaan Caynte ayaa safaradii ugu horeeyay markii uu xilkaasi qabtay waxa uu ku tagay degmada Cadaado ee gobalka Galgaduud, isaga oo wehlinayay wasiirka Arimaha Gudaha Mr Odawaa, sidaa darteed waxa aynu Mr Caynte Su’aalnay waxa uu halkaasi kusoo arkay iyo sidoo kale qaabkii loo xalliyay khilaafyo markaa halkaasi ka taagnaa.

“Runtii Galmudug waxay ahayd geeddi socod annaga xitaa waayo aragnimo badan ka qaadanay, xagga dhisidda maamulka iyo isku soo dhaweynta shacabkii halkaasi wada deganaa, beelaha walaalaha ahaa ee halkaasi wada deggan, waxaana is leeyahay isku daygaasi waxa uu ahaa mid lagu guuleystay, waxaan isku soo dhaweynay dadkii meesha isla deganaa, waxaan ka wada dhaadhacsiinnay in mashruuca Galmudug uu yahay mid ay isla yeelan karaan, iyaga oo mararka qaarkood xifaaltan iyo colaado hore iyo waxbadan ay ka dhaxeeyeen ayaa hadana waxaan ku qancinnay in maslaxadooda ay ku jirtay in ay wax isla dhistaan, Afar Bilood oo shaqo ah iyo Dhowr iyo 10-safar oo meesha aan ku tagnay ka dibna runtii waxaa ilaahay mahadiis ah in maanta meeshaasi uu ka jiro maamul dadka Soomaalida ah ay ku faani karaan, gaar ahaan dadka deggan gobalkaasi, sida ugu hufan oo maamul loo dhisi karo oo loo tartami karo in loo dhisay, waad ogtihiin markii Galmudug loo barbardhigay meelaha kale, qaabka la’isku doortay meelaha kale aad bay uga duwaneyd tartanka xitaa waa ka cuslaa meelahaas kale, marka waxaan isleeyahay arrintaasi waxay tahay in dadka Galmudug iyo Soomaalida kaleba ay ku fanaanaan, taaba gelinta hanaanka Federaalka ah waxaa hadda ka hartay maamul in loo dhiso Shabellaha Dhexe iyo Hiiraan iyo maqaamka caasimadda in baarlamaanka uu go’aan ka gaaro, howshii Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe wey billaabatay, qariiradii lagu socon lahaa waa la jeexay, howsheedii waxaan rajeynaynaa Todobaadyada soo socda in la guda galo, kahor dhamaadka sanadkaan Maamulkaasi in la yagleelo hadii uu Rabbi Idmo”

Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Xiriirka Caalamiga ah ayaa waxa aynu hor dhignay su’aal ahayd waxa xigi doona hadii la dhameeyo howalaha ku saabsan dhimsha maamul gobaleedyada.

Waxa uu sheegay in lasii wajihi doono arrimaha ku aadan Hiigsiga 2016-ka iyo sidoo kale qaabkii dalkaan doorasho looga qaban lahaa.

“Dabcan mas’uuliyadda dalka oo dhan ayeey u taalla iyo wasaarado badan, laakiin waxa ugu muhiimsan oo hadda Dastuuriyan noo yaalla waxa uu yahay in laga shaqeeyo in dalka uu ka dhaco tartan doorasho ah 2016-ka, dabcan sida aad ogtahay mudada Dastuuriga ah ee dowladan waxay ku egtahay Agust 2016-ka, markii taa la dhaafo wixii ka dambeeya waxaa loo baahnaan doonaa in umadda Soomaaliyeed ay mas’uuliyiintooda soo doortaan, laakiin qaabka lagu soo dooran lahaa ma cadda, waxaan howsheedii ku jirnaa in wada tashi ballaaran oo heer qaran ah aan dowladda kaliya ku ekeen, laakiin dowlad gobaleedyada iyo Bulshada rayidka ah iyo dowladdaba ay ku wada jiraan in laga tashado hanaankii wax loo dooran lahaa 2016, maadaama ay tahay Mas’uuliyad wadareed Annaga oo dhan inoo wada taalla” ayuu hadalkiisa ku daray Wasiir Caynte.

Dhawaan Wasiirka waxa uu kasoo laabtay safar uu ku tagay dalka Maraykanka, waxaana uu lasoo kulmay Soomaali badan oo halkaasi ku sugnayed iyo Mas’uuliyiin kale, hadaba wax aynu su’aalnay uljeedka rasmiga ah ee dalkaasi u tagay iyo sidoo kale waxa usoo qabsoomay.

“Walaal safarkaasi runtii intiisa badan mid iska gaar ah ayuu ahaa, meesha meel aan ku noolaan jiray waayay, gobalka Minnesota muddo dheer ayaan deganaa, soona maray oo asxaab badan iyo ehel badanba waan ku leeyahay, dadkii waan is soo wareysannay, dadka qurbaha in dalka looga waramo waa muhiim, mararka qaarkood xogta siyaabo kala duwan ayaa lagu helaa, Website-yo, Facebook iyo Twitter ayeey xogta iska daadsan tahay sida loogu kalsoonaan karo ma cadda, mararka qaarkood in fool ka fool loo hortago runtana looga waramo waa muhiim, waxaan isku daynay inaan sameyno taas bay ahayd, dabcan Washington iyo meelo kale waan soo maray, mas’uuliyiin kala duwan oo Maraykanka ah waan is soo aragnay, laakiin ma ahayn howl rasmi ah oo aan meeshaasi ku tagay”

Dhinaca kale Bishii Seddaxaad ee Sanadkaan, wasiir Caynte iyo xubno la socday ayaa waxay tageen dalka Sweden, xilli xurguf yar ay ka dhaxeysay dowladda Federaala iyo dowladda Sweden, hadaba Goobjoog News ayaa wasiirka waxa ay su’aashay in safarkaas uu la xiriiray Raali gelinta warqadii Dowladda ku taageertay Sacuudiga, looga soo horjeeday Sweden ama wax kale.

Maya runtii safarkii aan bishii Sedaxaad ee Sanadkaan ku tagnay dalka Sweden wuxuu ahaa safar horay u qorsheysanaa oo la xiriira iskaashiga caalamiga ah, qeybta ishkaashiga caalamiga ah ee wasaaradda waxa uu la xiriiray dowladda Sweden, waxay ahayd dowladii caawin jirtay waliba qeybweyn ka qaadatay dhismaha yagleelidda qeybta Statics-ka, qeybtaasna waa qeybta uruurisa xogta aasaasiga ah ee dalka, mid dad ha ahaato, mid xoolo ha ahaato, mid ganacsi ha ahaato, mid socdaal ha ahaato, xog aad u badan ayeey uruurisaa qeybta Statics-yada, marka sameynteeda, tayeenteyda, iyo qalabeynteeda waxaa gacan wqeyn ka geystay dowladda Sweden 80-meeyadii dib baan ugu laabanay oo waxaan dhahnay wixii aad barigii naga caawiseen hadana baahideedii weli waan qabnaa , runtii saas ayaan ugu tagnay, dabcan waxay kusoo beegantay, iyadoo markaasi annaga iyo Sweden wax un ay dhexmareen, warqado aysan Sweden ku farxin dowladeena ay kasoo baxeen, Laba dowladood muddo Afartan Sano ka badan cilaaqaad lahaa baynu nahay, waxaas yarna cilaaqaadkeena inaanu wax u dhimeyn waa la ogaa, dabcan fariintii aan ka qaaday madaxda qaranka waxay ahayd in dowladda Sweden iyo dowladda Soomaaliya calaaqoodkooda yihiin kuwo aad iyo aad ugu xoog badan in dhacdo yar oo dhacday ay si un wax u yeesho, mararka qaarkood waxyaabaha qaar waa lagu kala aragti duwanaan karaa oo ceeb ma ahan in la kala aragti duwanaado iyadoo saaxiib la yahay” ayuu hadalkiisa ku daray wasiirka Qorsheynta xukuumadda Soomaaliya.

Waxaa nagu soo dhaw Sanadka 2016-ka oo loo madalsan yahay dalkaan inay ka dhacdo doorasho, in kastoo dowladda ay sheegtay in aysan dhacayn doorasho qof iyo cod ah, wasiirka ayaan su’aalnay qorshaha ay ka leeyihiin 2016.

“Runtii arrinta ku saabsan 2016, dowladda, dowlad gobaleedyada iyo beesha caalamka mabaadi ayeey ku heshiiyeen, waxaana ka mid ah in loo baahan yahay qaabka doorashada u dhaceyso 2016-ka in uu noqdo mid umadda Soomaaliyeed ay taladeydii yeelato oo aanay dowladdu ku ekaanin, waana middaan ku lahaa bishan September 20-keeda waxaa dhici doona shirka mas’uuliyiinta Qaranka, Madaxweynaha, Ra’iisul wasaaraha iyo mas’uuliyinta dowlad gobaleedyada”

“Waxaa asalka ah in arrinta wadatashigu ay noqoto mid loo dhan yahay oo xukuumadda, Baarlamaanka, dowlad gobaleedyada, Bulshada rayidka ah, dhammaan umadda Soomaaliyeed qeybaheeda kala duwan inay ka qeybgalaan, taas baa asalka ah, waxaa kaloo asalka ah in dowladda ogoshahay, yaqiinsantahay in mudadii Dastuuriga ku egyahay 2016-ka bisha Sideedaad, intaa wixii ka dambeeya mudadii Dastuuriga ahayd waa ay dhamaatay, wixii ka dambeeya muddo kale ayaa loo baahan yahay sharciyo kale ayee dowladda u baahan tahay, taasna waa la’isku raacsan yahay, waxaa kale oo la’isku raacsan yahay in loo baahan yahay sidii wax la yeelay 2012-ka si dhaanto wax loo sameeyo oo aan lagu noqon meeshii hore, dabcan 2012-ka markii wax la sameynayay 135 oday la’isugu keenay oo Baarlamaanka soo xuleen, maalintaasi waxay ahayd Libin Soomaalida usoo hoyatay oo dalka gudahiisa wax lagu doorto markii ugu horeysay ayeey ahayd 25-sano ka dib la sameeyay, maanta Tallaabadaasi waa in aan horay uga dhaqaaqnaa oo taa wax dhaama aan ku dhaqaaqnaa, inta aan ka gaareyno Hal qof iyo Hal cod, hadii uu Rabbi idmo”

Dalka malahan qorshe qaran oo dhaqaale ah, hadaba waa maxay qorshaha wasaaradda Qorsheynta ee arrintaasi kaga aadan, ayeeynu weydiinnay wasiir Caynte.

“Waa anigii ku iri howshaasi hadda ayeey qoritaankeedu socdaa iyo wada tashigeeda intaba, waajibku ugu weyn ee wasaarddu leedahay runtii waa kaas, qorshahaasi in la qoro, lasoo bandhigo, la xoojiyo, waxaan rumeysannahay in dalku qorshe qaran hadii aanu lahayn waxay la mid tahay malaha jiheeye xagga dhaqaalaha ah, waana wax hadda naga haysta New Deal oo saluug badan laga muujiyay, waxaana sababtaasi ay tahay markii la qoraayay, qaabka loo qoray, cidda qoratay, iyo sida loo qortay Soomaalida badankeeda aad loogama tala gelin, natiijadiisuna meeshii la filaayay iyo meel u dhaw ma aanu noqon, waxaana saluugaasi keenay waxa annagu leenahay ma noqon, hadda waxaan wadnaa mid innagu aan leenahay oo hadafkiisu uu yahay in marka hore aask aaska loo sameeyo qorshe qaran, ka dibna sanad walba wax waa lagu dari karaa, waxna waa laga dhimi karaa” ayuu yiri wasiirka

Dhanka Iskaashiga Caalmiga ah ma waxa uu yahay mid ku eg oo kaliya dhaqaale uruurin, misane waxaa jira howl kale oo wehlisa, ayaan mar kale hordhignay wasiirka.

“Iskaashiga caalamiga ah dhaqaalo uruurin waa ka ballaaran yahay, oo dhaqaale uruurinta dad kale ayaa inoo qaabilsan, annaga waxaan qaabilsannahay markii qorshe la hayo, qorshehaasi dhaqaalihii lagu fulin lahaa in lasoo helo, wey ka duwan tahay in la yiraahdo shilimaad nasiiya, annaga intii aan joognay xagga iskaashiga caalmiga ah shaqada ugu weyn ee naga qaabilsan runtii waxay ahayd, xagga New deal oo wasaaradeennu hogaamineysa bilihii lasoo dhaafay, waxaa kale oo jirta in mashaariic xagga hormarinta aan u tagnay dalal ay ka mid yihiin Germany iyo Sweden, dabcan wax badan baa ka sameysmay, kii Sweden oo kale waxaa billaabatay taageeradii ay siinayeen dhanka Static-kada, wax weyn dalka u tari doonta in qeybtii Static-kada wasaaradda la xoojiyo oo la tayeeyo, dowladda Qatar oo kale ayaan tagnay, marka meello badan saas oo kale ah oo aan isleenahay wixii nooga soo baxay xagga iskaashiga waxweyn ayeey dalka u tari doonaan ayaan howsheeda ka billawnay, mudadii la joogay waa dhowr bilood, waana la qiyaasi karaa waxa lagu qaban karo, tabarta dalkeena waa in mar walba hoosta laga xariiqaa inay aad u liidato, mana joogto meeshii la rabay, laakiin inaan tayeeyno waajibaadkeena ayeey ka mid tahay”

26-kii May 2015-ka dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay soo bandhigtay qiyaasta tirakoobka shacabka Soomaaliyeed, hadaba waxa aynu weydiinnay wasiirka, su’aal ahayd sida ay ku suurta gashay in la ogaado tirada dadka Soomaaliyeed.

Waxa uu tilmaamay in sahankaasi ay ka qeybqaateen 4-kun qof oo Soomaaliyeed, kuwaa oo u shaqeynayay dowladda Federaalka iyo maamulada Puntland iyo Somaliland.

“Xogtaasi cid kale ma uruurin, waxaa isla uruuriyay Afar Kun iyo Boqol qof oo Soomaali ah, dadkaasi waxa ay u shaqeynayeen dowladda Federaalka, dowlad gobaleedka Puntland iyo dowlad gobaleedka Somaliland, hay’adda UNFPA la yiraahdo waxa ay siisay dadkaasi tababar, qaabkii ay xogtaasi usoo uruurin lahaayeen, waxay kaloo gacan ka geysatay naqshadeynta qaabka xog uruurinta, iyo dhaqaalaha, laakiin uruurinta xogta dad Soomaali ah ayaa sameeyay oo Afar Kun oo qof tiradoodu tahay, waxaa dadkaasi kormeerayay oo mas’uuliyiin u ahaa dad kale oo Soomaali ah, marka ma jiraan wax la yiraahdo dad kale ayaa xogtaasi uruuriyay, dadka ka qeyliyay qaarkood iyaga ayaaba qeyb ka ahaa uruurinta, annagu waaba niri waxa aan sii deynay sahan qiyaas ah, ma ahayn xog kama dambeys ah, qaladaad inay ku jireen annaga ayaa qirsan, oo warbixintii aan soo saarnay qeybo kala duwan oo illaa 8 ah ayeey ka koobneyd qiyaastaasi, qeyb walba qaladka ku jira Boqolleydiisa waan ku qornaa, marka annaga ayaaba wax walba ka ogol in 100% dhameystirneen, laakiin waxaan aaminsannahay inay ahayd xogta ugu dhaw oo runta ah, marka la fiiriyo qiyaastaas qaabka loo uruuriyay oo qaab cilmi ah, dadka Soomaalida ahna waxyaabaha aan isweydiiyo waxaa ka mid ah, markii ugu dambeysay qiyaas nalaga sameeyay 9.5 milyan ayaa nalagu sheegay 10-sano kahor, hadana ugu yaraan Seddax Malyan ayaa nagu korotay, ma arag Hal qof oo Soomaali ah oo inta istaagay yiri Soomaalida waa badatay ilaahay mahadiis waayay, qof walba waxa uu yiri goofkeygi waa la yareeyay, waxaan wax cilmi ah waaye, goofafka, iyo waan yarnahay ama badannahay waa wax kale oo dood kale u baahan, cidii dood qabto wax cilmi ah hanoo keenaan, laakiin Goofkeyga ayaa goof kale ka batay kama garaabi karno”

Waxaa jiray warar sheegayay in Ra’iisul wasaarihii hore ee dowladda Federaalka Cabdiweli Sheekh uu diiday saxiixa sahan qiyaaseedkaasi la sameeyay, balse xukuumadii ka dambeysay ee cumar Cabdirashiid aqbashay, sidaa darteed isbedallada jira iyo hadii ay jiraan culeeysyo keenay in degdeg lagu aqbalo sahankaasi ayeey Goobjoog weydiisay wasiirka.

“Horta in Ra’iisul wasaarihii hore Cabdiweli uu diiday waa xog adiga aad noo sheegayso, warkeeda annaga ma hayno, warqaddii dhameystirka ee qiyaastaas waxaa la saxiixay 21-kii October 2014-kii, 25-kii October Afar maalmod ka dib ahayd waxaa billaabatay xiisadii siyaasadeed ee u dhaxeysay Xukuumaddii hore dhexdeeda ee Cabdiweli, marka waad qiyaasi kartaa mar xiisadaasi markii ay kacday oo ay isbedalladii markaasi la sameeyay la’isku khilaafay oo xukuumaddii buuq badan uu ka dhex dhashay iyo baarlamaankii isku dhex yaacii billawday, xukuumadaasi waaba tii ay ku dhacday, marka uma haysto mana arag cadeyn muujinayso inuu diiday Ra’iisul wasaarihii hore, bil caksi waxaan hayaa wasiirkii iga horeeyay inuu warqad saxiixay oo uu yiri xogtaan hala sii daayo, waliba sida ay tahay, laakiin daruufihii siyaasadeed ee markaasi jiray ayaa kahor yimid, cid diidaneyd malahayn, laakiin sida Soomaalida hadda nin walba leeyahay Goofgeygaa laga batayna bahashu ma ahan” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalmiga ah ee xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Cali Caynte.

.

.

XIgasho: Goobjooge.com

________________________

 

Share This Post

Post Comment