3654 Views

Wasiirka Warfaafinta, oo cambaareeyay qaraxii caawa ka dhacay Muqdisho.

____________________________________________________________________________

Shirka-7-620x264

Muqdisho, September 21, 2015 — Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska mudane Maxamed Cabdi Xayur “Maareeye” ayaa si kulul u cambaareeyay qaraxii ismiidaaminta ahaa ee caawa ka dhacay bar kontorool oo ku taala banaanka hore ee madaxtooyada Villa Soomaaliya.

Wasiirka ayaa qaraxaasi ku tilmaamay fal waxashnimo ah oo ka baxsan Bani’aaddanimada, Diinta Islaamka iyo Dhaqankeena Suubban ee Soomaalida, wuxuuna  tacsi tiiraanyo leh u diray ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan ehelada, saaxibbada iyo qaraabada ay ka baxeen dadkii ku geeriyooday qaraxaasi.

Sidoo kale wasiirka ayaa u rajeeyay dadka ku dhaawacmay qaraxaasi in Alle uu dhibkooda u fududeeyo, wuxuuna xusay in dowladdu ay xil weyn iska saari doonto sidii ay gar gaar caafimaad u heli lahaayeen dhaawaxydaasi, isagoo hoosta ka xariiqay in dhaawacyada wax looga qaban waayo gudaha dalka loo qaadi doono wadamada dibadda.

Wasiirka ayaa falkani ku tilmaamay mid lagu qal qal gelinayo ammaanka, wuxuuna carrabka ku adkeeyay in falalka noocan oo kale ah aysan waxba u dhimi doonin adeegyada ay dowladdu u heyso bulshada Soomaaliyeed.

Wuxuu ammaan ballaaran usoo jeediyay ciidamada dowladda oo uu sheegay iney ka hortageen oo ay fashiliyeen ujeedadii laga lahaa qaraxaasi.

_______________

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment