5136 Views

Cismaan Libaax: “Dib u dhis ayaan ku sameyneynaa xaruntii tababarka Farsamada Warshadaha”

Cismaan Libaax: “Dib u dhis ayaan ku sameyneynaa xaruntii tababarka Farsamada Warshadaha”
____________________________________________________________________________

Muqdisho | September 23, 2015  Wasiir ku-xigeenka shaqada iyo arrimaha bulshada ee xukuumada Soomaaliya oo ay wehliyaan mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda iyo xubno kale ayaa kormeeray xaruntii tababarka Farsamada Warshadaha ee Xero Jermal, xarunta dhaqan celinta oo u dhaw isbitaal Digfeer iyo Isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho.

Xarumaha uu kormeerka ku tegay ayaa ah kuwa uu sameeyay bur burkii dalka, waxaan uu wasiir ku-xigeenku xusay in Wasaaradda ay waddo qorshe dib u dayactir loogu sameynayo xarumaha

Cismaan Libaax Ibraahim Wasiir ku-xigeenka shaqada iyo arrimaha bulshada ayaa sheegay in ujeedka kormeerkiisu ay tahay dib u soo nooleynta xarumihii Wasaaradda, si loogu adeego bulshada Soomaaliyeed.

“Soo nooleynta xaruntiii tabababrada farsamada Warshadaha ayaad wadnaa, si dhallinyarada shaqo abuur loogu sameeyo, waayo halkan dhallinyarada ayaa lagu bari jiray farsamooyin ay ku shaqeystaan” ayuu yiri Cismaan Libaax oo hadalkiisa ku daray “Xarunta dhaqan celinta iyo daryeelka naafada oo aan joogno sidoo kale waxaan qorsheyneynaa in aan dib u dayactirno, waxaana jira hay’ado naga caawinaya sidii dib u dhis loogu sameyn lahaa xaruntan, naafaduna waxaan u rejeynayaa in ay ka faa’iideysan doonaan xarunta marka dib u habeyn lagu sameeyo”.

.

_______________

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment