6540 Views

Doorka dhallinyarada ee horumarka dalka oo laga hadlay

Doorka dhallinyarada ee horumarka dalka oo laga hadlay
____________________________________________________________________________

Muqdisho, September 23, 2015 — Kulankan looga  hadlayay  sida dhallinyarada Soomaaliyeed ay ugu qeyb qaadan karaan  horumarka iyo dib u dhiska dalka uu soo qaban qaabiyay maamulka  Jaamacadda  SOMVILE  ayaa   lagu qabtay magaalada  Muqdisho

Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay maamulka Jaamacadda, aradayda wax ka barata  Jaamacadda mas’uuliyiin ka tirsan Machadka Horseed International collage, guddoomiyaha Midowga ardayda  Jaamacadaha Soomaaliyeed  iyo marti sharaf kale,  waxaana  inta  uu socday kulanka diiradda lagu saaray dowrka dhallinyarada Soomaaliyeed kaga aadan ka qeyb qaadashada  horumarka  iyo dib  u dhiska  dalka.

Guddoomiyaha  Midowga Ardayda Jaamacadaha Sooamaaliya Cabdullaahi Shariif Cabdi ayaa  kula dardaarmay dhalinyarada  Soomaaliyeed in ay ka  qeyb qaataan horumarka  iyo dib u dhiska  dalkooda hooyo.

Guddoomiyaha  Machadka  Horseed  International  Collage  Aadan  Cabdulle  Cabdi  oo hadlay  kulanka ayaa  sheegay in ahmiyad gaar ah u leeyaahy kulamada nuucaani oo kale,  dhallinyarada Soomaaliyeedna looga  fadhiyo inay ka soo dhalaalaan doorka ay ku leeyihiin horumarka dalka.

Guddoomiye  ku-xigeenka Jaamacada SOMEVILE Cabdiqaadir Bashiir Maxamed  ayaa  ku booriyay dhallinyarada ka qeyb qaadashada horumarka  iyo dib  u dhiska dalka, maadaama dhallinyarada ay yihin laf dhabarka  bulshada.

Barnaamijkeena waxa uu quseeyaa sidii dhallinyarada Soomaaliyeed ay uga qeyb qaadan lahaayeen horumarka dalka, hadii ay ahaan lahayd xag dhaqaale iyo xag maskaxiyeed”ayuu yiri Cabdiqaadir.

.

_______________

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment