4551 Views

Gabdho ku mideysa urur samafal oo deeq dhar iyo lacag u qeybiyay haween

____________________________________________________________________________

IMG_01151

Muqdisho, September 23, 2015 — Ururka Sahal oo ay ku mideysanyihiin gabdho Soomaaliyeed ayaa maanta deeq isugu jirta dhar iyo gaarsiiyay 50 haween ah oo ku nool degmada Howlwadaag, iyadoo qeybinta munaasabadda ay ka qeyb galeen xubo ka tirsan Ururrada Haweenka Qaranka, Kan gobolka iyo maamulka degmada Howlwadaag.

Guddoomiyaha Ururka Sahal Zeynab Maxamuud Warsame ayaa sheegtay in deeqdan ay tahay mid ay ugu talagaleen sidii ay ula qeybsan lahaayeen gabdhahan farxadda ciidda, xilli maanta oo kaliya ay ka harsantahay.

“Waxaan qeybinay lacag iyo dhar ururka Sahal waxa uu uga gol’leenahay sidii ay ula qeybsan lahayeen faraxada ciidda bulshada inteeda kale, waana sii wadeynaa wax u qabashada dadka danyarta ah”ayay tiri Zeynab.

Guddoomiyaha ururka Haweenka Gobolka Banaadir Jawaaahir Baarqab ayaa tilmaamtay in gabdhahan ay sameeyeen talaabo ku dayasho mudan, ayna boorineyso

“Waa muhiim in la is caawiyo oo loo gargaaro dadka danyarta ah, dadka Soomaaliyeed waa in ay isgarab istagaan, madaama waaldiintooda aysan awoodin inay bulshada inteeda kale kala qeyb geliyaan farxadda ciida” ayay tiri Jawaahir.

Ifraax Macalin Axmed oo ka mida dadka u ololeeya arrimaha xaquuqul Insaanka, kana tirsan Wasaradda haweenka oo ka hadashay madasha ayaa dhankeeda bogaadisay Ururkan ay ku mideysanyihiin gabdho Soomaaliyeed.

Sidoo kale Faadumo Cabdi Cali Guddoomiya ku-xigeenka Ururka Midoowga Ardayda ayaa sheegtay in ay ku faraxsantahay maanta in ay aragto gabdho Soomaaliyeed oo isgarab taagan.

Guddoomiyaha Degmada Howlwadaag Ciise Maxamuud Guure ayaa xusay in ay tahay tallaabo wanaagsan oo ku dayasho mudan, waxaana uu intaa ku daray in kan maamul ahaan ay soo dhaweynayaan dadka u taagan wax u qabashada bulshada kuwooda taagta daran.

Waxaa la rabaa in la caawiyo bulshasda danyarta ah, waana garabtaganahay bulshada Dooneysa in ay u gar garaan dadka danyarta ah, waana mid loo bahan yahay waa muhim in bulshada ay dhexdooda is caawiyaan” ayuu yiri Guddoomiyaha.

IMG_01161

IMG_01301

IMG_0140

IMG_0158IMG_02461

_______________

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment