4629 Views

Malaayiin Xujeey ah oo maanta taagan Buurta Carafo

Malaayiin Xujeey ah oo maanta taagan Buurta Carafo
____________________________________________________________________________

Muqdisho, September 23, 2015 | Malaayiin Xujeey ah ayaa manta oo ah Sagaalaadka waxey taaganyihiin Buurta Carafo kuwaasoo  ka kala tagay caalamka daafihiisa  si ay u gutaan rugniga ugu weyn ee Acmaasha xajka.

Muslimiinta kale ee caalaamka ayaa iyagu badankood manta Sooman si ay uhelaan ajar iyo dambi dhaaf.

Xujeeyda sanadkan oo ka badan Saddex Milyan ayaa saaka aroortii u dareeray Buurta Carafo, si ay u gutaan mid ka mid ah rugniga ugu muhiimsan ee xajka,

Sidoo kale Xujeyda ayaa maanta marka ay qoraxdu dhacdo waxay aadi doonaan dhanka Musdalifa, si ay habeenkooda ugu qaataan Alle bari, ama ay u dhameystiraan waajibaadkooda xajka, waxaana ay isku jamcin doonaan salaadda maqrib iyo cisho..

Maalinta berri oo ah Maalinta Ciidul Adxa ayaa ah ciidaha uu Islaamku weyneeyo, waxaana looga baahan yahay Muslimiinta inay sadaqo la baxaan, qofkii awoodana uu gowraco neef, islamarkaana uu siiyo dadka danyarta ah..

Soomaali fara badan oo ka kala tagay dalka gudihiisa iyo dibadiisa ayaa sanadkan ka qeybgalay gudashada waajibaadka Xajka.

 

 

.

_______________

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment