11805 Views

717 Xaaji ayaa ku geeriyooday magaalada Mina

717 Xaaji ayaa ku geeriyooday magaalada Mina
____________________________________________________________________________

Muqdisho, September 24, 2015 — Ugu yeraan 717 Xaaji ayaa maanta ku geeriyootay magaalada barakaysan ee Maka gaar ahaan deegaanka Mina ka dib markii is buurasho bahsan ay halkaasi ka dhacday sida laga soo xigtay saraakiisha dalka Sacuudi Carabiya.

Dhacdadan ayaa waxaa ku dhaawacmay 863 Xaaji kuwaas oo qeyb ka ahaan in ka badan labo milyan oo sanadkan gudanaya waajibaadka Xajka.

Mina oo ah goobta maanta dhibaatadan ay ka dhacday ayaa ah goobta dhagax tuurka ama Jamaraadka, iyadoo magaalada Maka ay u jirto qiyaastii 5 km ama 3 mlies.

Dhacdadan ayaa la sheegay in ay tahay tii ugu xumeyd oo soo marta Xajka muddo ka badan 25 sano.

Dadka qaar ayaa la sheegay in goob loogu talagalay in laga baxo qofka marka uu guto tuurashada dhagax in kuwo kale ku khaldameen isla markaana ka soo galeen taasi ayaana sababtay is buurashada.

Inkastoo aan si rasmi ah loo xaqiijin wadamada ay ka soo jeedaan dadka maanta Mina ku geeriyooday ayaa warar u dhac ah waxaa ay sheegeen in ay kamid yihiin kuwo u dhashay dalalka Niger. Nigeria, Chad, Senegal iyo kuwo kale.

Dadka geeriyooday ayaa la sheegay in ay u badan yihiin dad da’ ah iyadoo carruur aad u da’yarna la aaminsan yahay in ay kamid ahaayeen.

Ciidanka amniga ee dowladda Sacuudi Carabiya iyo shaqaalaha bisha Cas ayaa goobta loo daabolay si ay gurmad ugu fidiyaan dadka ay mashaqada qabsatay.

Wasiirka Caafimaadka ee Sacuudiga Khaalid Al Faalix ayaa sheegay in dhibaatadan ay ka dhalatay markii xujajta ay ku guul dareysteen in ay raacaan tilmaamihii la siiyay.

Dhibaatooyinkii Xajka soo maray

Sanadkii 2006: 364 Xaaji ayaa ku geeriyooday is buurasho ka dhacday Mina oo ah goobta dhagax tuurka.

Sanadkii 1997: 340 Xaaji ayaa ku geeriyootay markii uu dab qabsaday Teendho ay deganaayeen Xujaaj oo ku taalay Mina.

Sanadkii 1994: 270 Xaaji ayaa ku dhimatay is buurasho ka dhacday goobta dhagax tuurka ama Jamaraadka.

Sanadkii 1990: 1,426 Xaaji oo u badnaa dad ka soo jeeda qaaradda Asia ayaa ku geeriyooday magaalada barakaysan ee Makatal mukarama.

Sanadkii 1987: 402 Xaaji oo u dhashay dalka Iran ayaa ku geeriyooday markii ay isku dhaceen ciidanka amniga taas oo ka dambeysa markii Xujaajtaasi Iran ka soo jeeda ay dibad bax Mareykanka ka dhan ah ay qabteen.

Sanadkan waxaa magaalada barakeysan ee Maka gaar ahaan Masjidul Xaraamka waxaa ku geeriyooday 109 ruux ka dib markii ay soo duntay mid kamid ah wiishishka dhismaha ee masjidka.

xajka-maanta-4xajka-maanta-5

xajka-maanta-6

_______________

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment